Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ciyaaryahanka Robbie Keane Oo Loo doortay Ciyaaryahanka Bisha Ee horyaalka MLS

(maantasomaliland):-Kabtanka kooxda LA Galaxy Robbie Keane ayaa loo caleema saaray ciyaaryahanka bisha ugu wanaagsan horyaalka MLS(Player of the Month)

Robbie Keane ayaa dhaliyey shan gool, isagoona sidoo kale lugtiisa y ka baxday afar gool oo kale, bishii aynu soo dhaafnay

Weeraryahankii hore ee kooxda Tottenham Robbie Keane ayaa sidoo kale sadexley la dhliyey xilli kooxdiisa LA Galaxy ay la ciyaartay kooxda Real Salt Lake 17-ka bishii Agoosto

Hoggaamiyaha kooxda LA Galaxy Keane ayaa qaatay kabaha dahabka ee laga bixiyo horyaalka MLS, isagoona ay tahay markiisii labaad uu ku guuleysto tan iyo markii uu ku biiray kooxda LA Galaxy ee ka dhisan dalka Mareykanka.

Keane ayaa abaal marintaan waxaa kula loolamayey ciyaaryahanada kala ah:- Blas Pérez oo u ciyaara kooxda (FC Dallas), Diego Valeri oo isna ka tirsan naadiga (Portland Timbers), Eddie Johnson oo u safta kooxda (Seattle Sounders) iyo Marco Di Vaio oo u ciyaara kooxda (Montreal Impact)

by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com