Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Kooxda Juventus Oo Ka Fakareysa Inay Qandaraaska U Kor Dhiso Andrea Pirlo

(maantasomaliland):-Juventus ayaa ka fakareysa inay qandaraaska u kordhiso wadnahooda Andrea Pirlo, kaas oo dhawaan qandaraaska uu kula joogo kooxda Juve uu sii dhamaanayo.

Andrea Pirlo ayaa sanadkii 2011-kii ku soo biiray kooxda Juve, kadib markii uu ka soo dhaqaaqay kooxda kubada cagta ee Ac Milan

Juventus ayaa sheegtay inay dooneyso in Andrea Pirlo ay u kordhiyaan qandaraas cusub, kaas uu muddo labo sano kala ah uu ku sii joogayo kooxda lagu naaneyso The Old Lady

34-jirkaan ayaa waxa uu qandaraaska uu kula joogo kooxda Juventus waxa uu dhacayaa sanadkaan, isagoona sidoo kale intii uu u ciyaarayey kooxda Juve kula guuleystay horyaalka Italian Serie A-da.

Pirlo ayaa waxa uu ku maqan yahay waajibaadka xulkiisa, isagoona xalay saftay kulankiisii 103-aad, kadib markii uu xulka Italy la ciyaaray xulka Bulgaria

by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com