Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Naadiga Manchester City Oo Bisha January U Dhaqaaqeysa Daafaca FC Porto Eliaquim Mangala

Eliaquim+Mangala(maantasomaliland):-Kooxda Manchester City ayaa diyaarinaysa 30-milyan oo bound oo ay ku soo qaadanayso daafaca FC Porto ee Eliaquim Mangala bisha January marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Tababaraha Man City Manuel Pellegrini ayaa wali eeganaya inuu difaaciisa koowaad oo uu la soo wareegayo ka dhigtay xiddigan Mangala.

“Mangala waa bartimaameedkeenna” ayuu yiri macallin Manuel Pellegrini sida laga soo xigtay jarriiradda Daily Star.

City ayaa ku dadaaleysa saxiixa 22-jirkan, iyadoo sidoo kale ay xiiseynayaan xiddigan kooxaha ka ciyaaraha horyaalka Ingiriiska qaarkood sida Manchester United, Chelsea iyo kuwo kale.

Mangala ayaa ku soo biiray FC Porto 2011-dii, isagoo kooxda kaga dhaqaaqi karaa adduun dhan 40-milyan oo bound.

by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com