Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xukumada oo ku fashilantay dib u dhiska Madarka Cigaal iyo lacagtii ku baxday Madaarka oo noqotay Hal bacaad lagu lisay

Xukumada oo ku fashilantay dib u dhiska Madarka Cigaal iyo lacagtii ku baxday Madaarka oo noqotay Hal bacaad lagu lisay iyadoo Madaxwayne Siilanyo looga fadhiyo Badhitaan inuu ku sameeyo Fadeexadan oo u baahan in la ogaado halka ay martay 4.5 Milyan dollars oo galay Madarka Casimada ee Cigaal oo Wasiirka Duuloistu Masuul ka ahaa.

Sida hadaba maanta lagu baahiyay warbaahinta afhanayeenka u hadlay diyaarad aEhtiopian Airlines ayaa ayaa faahfaahin kabixyay sababaha loo joojiyay duulimaadyadii Somaliland iyadoo wrbixinta lagu baahiyay boga http://www.ethiopianreview.com waxaanay u qornayd sidatan.

Shirkada diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ayaa xanibtay duulimaadyadii ay ku imna jirtay Somaliland iyadoo ugu wacan tahay dacactirka dhabaha diyaatradah oo aad u liita.
Shirkada duulimaadyada ee Ethiopian Airlines waxay isticmaalaysay magaalo xeebeedka Berbera ilaa labadii todobaad ee ugu danbeeyay oo dib lo furay garoonka diyaaradaha ee Egal International Airport oo dib u habayn yar lagu sameeyay. Markii hore baadhitaankii hore ee shirkadu samaysay waxaa lagu sheegay in dayactirka garoonka lagu sameeyay yahay mid waafaqsan qaabkii ay u rabeen balse baadhitaan dheeraad ah oo ay la sameeyay waxa lagu ogaaday inaanu haba yaraatee marna soo buuxinayn shuruudii looga baahnaa dhabuhuna uu aad u liito.

Shirkada duulimaadka ee Ethiopian Airlines waxay ku adkaysteen inay isticmaalaan Berbera ilaa inta laga dhamaystirayo garoonka balse wasiirka duulimaadka iyo hawada oo wajigiisa badbaadinayay kadib markii uu ku fashilmay inuu garoonka si dhab ah u dayactiro ayaa ku adkaystay in garoonka Egal International airport la isticmaalo.
Shikrada Ethiopian Airliones waxay sheegtay inaanay marna khatar galinayn diyaaradoodfa joogta Malaayiinka doolar iyo nabadgalayda macaamiisha ku xidhan shirkada , sidaa darted maadaama labada dhinac aya gaadhi waayeen heshiis waxay shirkadu go,aan satay inay dhamaan joojiyaan duulmimaadkii ay ku iman jireen Somalilland.

Garoonku waxa mudo sanad ah ku socday dib u dhis balaadhan iyadoo lacagta ku baxdayna ay bixisay dawlada Kuwait iyadoo la sheegay in lacagta inta badan ay lunsaden saraakiil u dhaw dhaw madawyane Siilaanyo.

Garoonka ayaa hada noqonaya mid aan qiimo lahayn dad badana ay ku xanioban yihiin magaalada Hargeysa .
Hadab dhibaatadan ay keenen saraakiishan caadaystay musuqmaasuqa ayaa keenay inay dad badan oo ku xaniban Hargeysa ay seegaan jaamcadihii ay is qori lahaayeen,dugsiyadoodii ay ku noqon lahayeen iyo jaqooyinkii ay dibada ka hayeen.
dhinaca kale wararka qaar ayaa sheegaya in ay dadkii diyaarada itoobiyaanka ahi ay sii habqamayaan wajaale iyagoo ku socda xaga jig jiga
xuseen xarbi
maanta somaliland.com
hargaysa /office

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com