Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xukuumadda Somaliland ayaa xiisadda degmadda Xariirad ee gobolka Salel u dirtay wefti Wasiirro ah oo ka kooban shan xubnood oo uu Hoggaaminayo Wasiirka Xanaanadda Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir Cali.

 

(msl)Weftiga Wasiirka Xanaanadda Xoolaha waxa weheliya Wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda iyo Dib u Dajinta iyo Wasiir ku xigeenada Qorshaynta iyo xubno kale.

Madaxa Wafdigan oo ah Wasiirka Xanaanada iyo Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir oo saxaafada uga waramay ujeedada safarkooda ayaa waxa uu yidhi “ Waxa aan nahay wasiiro dhawr ah iyo wasiir ku xigeeno, waxa na soo diray Madaxwaynaha Jamahuuriyada Somaliland, waxana la noo soo diray arinta shaqaaqadii Xariirad oo ay imika u fadhiyaan wafdi ka socda Guurtida, waxana aan rabnaa inaan talo iyo taakulo waxii la nooga baahdo ku biirino oo aan ka hawgalno sidii arintaasi dilka ah oo mudo qaatay loo soo afjari lahaa inshalaahu tacaalaa”

Wasiirku waxa uu intan daba dhigay “Waxa aan rajaynaynaa in arintan ay dhinaca labada beelood ka dhamaato, dilku wuu dhacaa ee waa in nabada la ilaaliyo oo gacanta la is qabsado oo la soo celiyo nabadadii iyo gacaltooyadii”

Wasiirka oo wax laga waydiiyay mudada ay ku qaadanayso soo afjarida xiisadan ayaa waxa uu yidhi “Wax walba waxa ay ku xidhnaan doonaan sida ay labada dhinac ee ay khusayso ee beelaha ah ay u soo dhamaystiraan una ogolaadaan in nabada la soo xidho, inshalaah sida uu eebe idmo ayay ku dhamaan doontaa, waxana naga sii horeeya xubno guurtida ah oo hawsha sii wada waxana aan qabnaa rajo wayn”

Wasiir Dr. Cabdi Aw-daahir ayaa waxa uu ka mid ahaa wasiiro dhawr goor oo hore ku soo laalaabtay Xariirad isla markaana aan xal keenin, sidaasi aawadeed ayaa waxa uu xusay waxa uu manta rajaynayo waxana uu yidhi “Arintu kolba waji ayay maraysay oo heer ayay taagnayd balse manta waxa aan ku rajo waynahay in la soo gabagabeeyo”

“Waxa aan ugu baaqayaa labada beelood ee walaalaha ah ee isku abtiga ah ee isku seediga ah in hawshaa la dhamaystiro oo uu garaadku shaqeeyo oo aanu dil dambe ka dhicin oo gobosha la soo wada fadhiisto oo la wada hadlo oo waxa dhacay wada jir lagu gorfeeyo oo laga waantoobo in nabada qodxo lagu taago oo laga wada shaqeeyo hormarka iyo wax wada qabsiga guud” ayuu hadalka ku soo koobay wasiirku.

Si kastaba ha ahaatee wafdigan oo u amba baxay dhinaca Xariirad isla maantaba waxa uu noqonayaa wafdigii afaraad ee ka socda golaha wasiirada oo loo soo diro xariirad kuwaas oo sedexda goor ee hore aanan wax xal ah u helin soo afjarka xiisada ka taagan Xariirad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com