Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Warfaafinta, Waygalinta iyo Dhaqanka. Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa jawaab ka bixiyey hadalo dhalliilo ah oo ka soo yeedhay xisbiyada mucaaridka ah, kuwaasoo la xidhiidhay sababaha ay shirkaddaha Genel Energy iyo Ethiopian Airline u joojiyeen hawlihii shidaal baadhista iyo duulimaadyada Somaliland.

(msl)Wasiirka Warfaafinta, Waygalinta iyo Dhaqanka. Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa jawaab ka bixiyey hadalo dhalliilo ah oo ka soo yeedhay xisbiyada mucaaridka ah, kuwaasoo la xidhiidhay sababaha ay shirkaddaha Genel Energy iyo Ethiopian Airline u joojiyeen hawlihii shidaal baadhista iyo duulimaadyada Somaliland.

Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo uu weheliyo Wasiirul-dawlaha Maaliyadda Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani), ayaa shir-jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeysa ku sheegay in xisbiyadda mucaaridku caalamka u sheegaan in aanay wax nabad ahi ka jirin Somaliland, arrintaasoo uu ku tilmaamay dayaacad raqiis ah oo aanay waxba ka jirin.

“Waxaannu bayaaminaynaa hadal maalmahan ay ku cel-celinayeen asxaabta mucaaridka qaarkood rag u hadlayay oo kala ah arrinta madaarka Hargeysa iyo shirkadda shidaal baadhista ka waday gobolada bariga. Waxa hadalka raggaas ka dhadhamaysa buun-buuninta iyo saxaafadda qaarkood ay u dhigayaan inay doonayaan inay debada u soo saaraan wax aan dalkan ka jirin oo ay dadka fahamsiiyaan oo ay caalamka u sheegaan inay Somaliland ka jirto nabadgalyo darro, qollada mucaaridka ah markaad wado arrinkooda wuxuu ku ururayaa Somaliland waxa ka jirta nabadgalyo darro. Ilaahay ayaynu nabadgalyo darro ka magan galnay, waxaannu Ilaahay ugu mahad naqeynaa in Somaliland tahay dal iyo qaran jira oo shacab iyo xukuumadba aynu heegan u nahay inaynu ilaashano, Illaahayna innagu guuleeyay, taasina ay tahay ta sababtay oo fursad inoo siisay in dowladnimo halkan ka jirto, dalkana dimoqraadiyad ka hirgasho, iyaguna ay maanta asxaab mucaarad ah oo hadla noqdaan wixii lagu wada hadlayaa erayo la is waydaarsanayo yahay Illaahay ayaannu ugu xamdi naqaynaa,” ayuu yidhi Md. Cabdillaahi Cukuse.

Waxaa kale oo wasiirka warfaafintu sheegay in dalka Somaliland yahay wadan sharcigu ka shaqeeyo, isagoo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Waxaannu Illaahay ugu xamdi naqeynaa tiirkii ugu adkaa ee ugu cuslaa ee dowladnimada ee u hiilinayay kala dambaynta (Low & Order), ee u hiilinayay in sharcigu shaqeeyo, una hiilinayay in sharcigu qofka ka sareeyo, tiirkaasi waa marka uu sharcigu tol yeesho, sharciga tolkiisu waa qaybaha kala duwan ciidammada ammaanka sida:- ciidammada cirka, ciidammada bariga, ciidamada dhulka, ciidammada qaranka, ciidamada nabad-sugida, ciidamada bilayska, ciidammada badda iyo ciidammada xabsiyada, ciidammadaas ayaa ah sharciga tolkiisa, markaa tolkii ayaa xoogaystay, ciidammadii oo darajadii loo qaybiyay wax fudud maaha, dalkeenna waxa darajooyin la siiyey ilaa 10,000 (toban kun), kuwaasoo helay darajada Alifle ilaa jannan, tabashada ka soo baxdayna waxay noqotay mid yar oo xalkeedii loo fadhiyo.”

Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) waxa kale oo uu xusay in xukuumadda Somaliland ku guulaysatay inay dalka keento shirkaddo ku dhiirada inay maalgashi ku sameeyaan khayraadka kala duwan ee wadanka.

“Ma dalkaas maanta ay suurtagashay 22 sanno kadib inaynu darajadii bixino ayuu nina leeyahay waxa ka jirta nabadgalyo darro, xaashaa kallaah, xukuumada Somaliland darajada ka sokow in markii ugu horeysay shirdakaha shidaalka iyo kuwa maalgashiga sameeyaa dalkeenna soo aaminaan oo ay yimaadaan, inay dhaqan gasho oo ay howshii bilaabaan, inaynu innaguna khayraadkii aynu lahayn ee sannado sugaynay ubucda dhulkeenna ay eegaan, kol haddii xukuumadu ay taa ku guulaysatay waa in aannu qofku noqon xaqiir dafira guusha. Waa inuu yidhahdaa xukuumadu taa way ku guulaysatay.

Shaqadu inta ay socotana wax kastaa iman kara, khilaafbaa iman kara, wax kastaa iman kara, waxayse tahayba shirkadaasi oo qalabkii shaqaddu dalka yaalaan, balse howshii hakatay waxa imika arrinkeeda gacanta ku haya Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee dalka, Wasiirkii Macdanta iyo madaxdii shirkadda ay wadahadalo u socdaan wakhti xaadirkan, kana hor dhicimayno waxa ka soo bixi doona, balse waxaan idiinku bushaareynayaa inaanay wadahadalaas noqon doonin qaar idin niyadjabiya,” ayuu Md. Cukuuse yidhi.

Waxa kale oo wasiirku ka hadlay in shirkadda Ethiopian Airlines ay tahay mid ganacsi oo gaar loo leeyahay, isla markaana ay magaalada Addis Ababa ku sugan yihiin wasiirrada duulista iyo daakhiliga Somaliland, kuwaasoo ku hawlan sidii loo xallin lahaa hakadka ku yimi duulimaadyadii Ethiopian Airlines.

“Arrrinta madaarka waynu ku guulaysanay, dayactir ayaa lagu sameeyay kan Hargeysa iyo ka Berbera-ba. Shirkadda Ethiopian Airline waa shirkad gaar loo leeyahay (private), shirkad dowladda Somaliland leedahay maaha, waxay la mid tahay shirkadaha Somaliland yimaada oo marka ay doonaan yimaada marka ay doonana aan iman, khasab maaha inay yimaadaan iyo in kale, waa arrin ganacsi ee maaha arrin siyaasadeed, waa arrimo ganacsi, nasiib-wanaag, Wasiirkii Duulis iyo Wasiirkii Arrimaha Gudaha isla arrintan ayey u joogaan Addis Ababa, waana howlmaalmeedka aynu ku suu jiidanayno shirkadaha arrimaha ganacsiga ee maalgashiga halkan ka samaynaya. Khilaafkuna wuu iman karaa, balse muhiimadu waxay tahay in dalkeennu yahay dal u furan ganacsiga oo la’aaminsan yahay.”

“Qolada mucaaradka waxaan kula talinayaa annagu ma doonayno in aannu idinla yoo-yootano, gaar ahaan WADDANI, guddoomiyahoodu waa Guddoomiyha Golaha Wakillada, waana masuul sharaf leh, xisbiga WADDANI xukuumada waxay ku canaantaan inay aamusan tahay, guddoomiyahoodana waxay ku canaantaan inuu aamusan yahay, labadubna adeer way kaa xogogaalsan yihiin sabata ay u aamusan yihiina waa ixtiraamka dadka iyo inay diidayaan inaynu noqono kuwo yooyotama oo murma,” ayuu yidhi wasiirka Warfaafintu.

xuseen xarbiCukuse

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com