Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Kulan saddex geesood ah ayaa markii u horaysay shalay dhex maray xisbiyada UCID, Wadani iyo madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka

(maantasomaliland)Kulan saddex geesood ah ayaa markii u horaysay shalay dhex maray xisbiyada UCID, Wadani iyo madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka. Kulankan ayaa ahaa mid aan saxaafadda loo ogolayn oo ay albaabadu u xidhnaayeen, waxaanu qaatay qiyaastii saddex saacadood.

Ma jiro wax war ah oo kulankaas ka soo baxay, laakiin ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika inay kulankaas goob joog ka ahaayeen labada guddoomiye xisbi mucaarad Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Faysal Cali Waraabe iyo weliba inta badan ee mujaahidiinta hoggaamiya madashaas. Warku wuxuu sheegay in ujeedada kulanku ahaa in la iska xog-waraysto xaaladda siyaasadeed ee uu dalku marayo iyo weliba inay saddexda dhinacba ka qaataan aragti midaysan.

Sida ay ilahaas xogogaalka ahi tibaaxeen, saddexda dhinac, wuxuu mid waliba ka hadlay aragtidiisa xaaladda uu dalku marayo, waxaanu warku sheegay inuu dhinac walba aragtidiisu ku soo arooraysay walaac siyaasadeed ee uu qabo. Arrimaha shirkaas lagu soo hadal qaaday waxa ka mid ah sida uu warku sheegay mawaadiicda taagan ee ay ka mid yihiin bixitaanka shirkadda Genel Energy, hakadka ku yimid duulimaadyadii diyaaradda Ethiopian Airlines iyo arrimo kale oo qaranka saamayn ku leh.

Sida uu warku sheegay aakhirkii, waxa ay saddexda dhinac isku raaceen inuu dhinac waliba soo sameeyo xog ururin iyo tallooyin, dabadeedna la isugu soo noqdo kulan dambe, iyadoo la isla qaatay in la sameeyo mucaaradad midaysan.

Waa kulankii u horeeyay ee noocan ah ee dhex mara xisbiga Wadani iyo madasha, waxase ka sii horeeyay xisbiga UCID oo xidhiidh adag la leh siyaasiyiinta madasha.

maantasomaliland.com
xuseen xarbi
tel/252634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com