Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweynaha Somaliland ayaa Qasriga Madaxtooyadda ku qaabilay Hogaanka Xisbiga Kulmiye, kuwaas oo maalmahanba ka doodayay qaabka loo qabanayo Shirweynaha Xisbiga oo ku began dabayaqaada bisha Diisambar.

 

Hargeysa(maantasomaliland) Madaxweynaha Somaliland ayaa Qasriga Madaxtooyadda ku qaabilay Hogaanka Xisbiga Kulmiye, kuwaas oo maalmahanba ka doodayay qaabka loo qabanayo Shirweynaha Xisbiga oo ku began dabayaqaada bisha Diisambar.

Kulanka Madaxweynaha iyo Hogaanka Kulmiye oo ahaa mid ay Albaadau u xidhnaayeen lama oga waxyaabaha lagaga wadahadlay, hase yeeshee ilo wareedyo u dhuun daloola doodad hex taala Xisbiga Xukuumadda saamaynaya ayaa sheegaya in la isku hayo Guddida Fulinta Xisbiga oo qabyo ah, Guddida Qaban qaabada iyo Guddida Golaha Dhexe , kuwaas oo shirweynaha dib loogu wada dooran doono balse kuwa ay ku xidhan tahay qabsoomida Shirku la dhamaystiro qabyo ka muuqata.

Kulankan oo ahaa kii ugu horeeyay ee Madaxweyne Siilaanyo la yeesho Hogaanka Xisbiga Kulmiye oo isku dhamaystiran waxa uu ka dhashay kadib markii Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo xubnaha kale ay isku maan-dhaafeen qaabka loo xulayo xubnaha Guddida Fulinta oo shirweynahoodii ugu danbeeyay xisbigu ku kala tagay, ilaa hadana aan dib loo dhayin dhaawicii wakhtigaas ka soo gaadhay.

Dooda ugu badan ee dhex taala Xisbiga Kulmiye ayaa ah buuxinta jagooyinka ka banaan Guddiyada aasaasiga u ah Xisbiga kuwaas oo loo aanaynayo inay sababayso kala hororsashada musharixiinta u tartamaya Hogaanka Xisbiga oo la filayo shirweynahoodan isbedel weyni ku yimaada xubnihii hogaanka hore ahaa.

Xeerka Xisbiga Kulmiye ayaa dhigaya in Hogaanka Guud ee Xisbigu ku dhawaaqi karaan ama buuxin karaan xubnaha Guddida Fulinta iyo guddida qaban qaabada, hase yeeshee Xubnaha Hogaanka wada ah iyo Musharixiinta Damacu kaga jiro Hoagaanka ayaa arrintaas ku kala aragti duwan wallow sidii hore shirkii golaha Dhexe u dhacday aakhirka aan la dhaafi Karin in loo noqdo qoddobada Xeerku dhigayo oo qof kastaa ku san-dulaysnaan doono.

Sidoo kale Ansixinta Guddida qaban qaabada ayaa ku xidhan dhamaystirka xubnaha Guddida fulinta, kuwaas oo wali la isku maan-dhaafsan yahay qaabka loo soo buuxinayo wallow warar hoose sheegayaan in la isla waafaqay qaabka loo soo xulayo oo la isla qaatay in laga keeno beelaha ay ka soo jeedaan Xubnihii ka baxay Xisbigu.

Si kasta ha ahaatee kulanka Madaxweynaha iyo Hogaanka Xisbiga Kulmiye ayaa u muuqda go’aanka kama danbaysta ahi inay ku xidhan tahay Odayga Xisbiga oo ah Madaxweynaha Dalka.

maantasomaliland.com

xuseen xarbi

0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com