Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Khamiir iyo XabaSawda

khamiir-iyo-xabaSawda

Waxa loo baahanyahay:

  • 2 1/2 koob daqiiq
  • 1 koob caano ama biyo
  • 2 malqaacadood subag ama saliid
  • 1 malqaacad yar yiist
  • 1 malqaacad sonkor
  • 1 malqaacad yar xabasawda
  • 1/2 malqaacad yar badhkeed milix

daqiiq yar oo lagu xasho

saliid lagu shiilayo

Habka loo samaynaayo:

Madiibad kushub daqiiqda, sonkorta, xabasawda, milixda iyo badharka
gacmahaaga adigoo isticmaalaya yara xash, inyar oo biyo ah ama caano
kudulshub oo xash.

Dabadeed dabool oo meel yar oo diiran dhig, Ilaa inta ay islabalaabayso
saacad ilaa saacad iyo badh.

Kadib daqiiqda lawax oo inyar oo daqiiqa ku daadi si aanay
kaaga dhagin markaad lawaxaysid.

Markaa mindi ku jeex jeex.

Dabka dhex dhexaad ah saliida kukulayli, markay saliidu kululaato
kolba inyar oo khamiira shiil.

Sideebaad ku ogaankartaa in ay saliidu kulushahay iyo inkale.
inyar oo daqiiqda khamiirka ah soo gooso oo kurid saliida sug ilaa
inta ay shaaxidayso markay, markaad aragto inayshaaxiday dabadeed
waaxaad ogaanaysaa inay saliidu kulushahay.

Hadii aya aad u kululaato markiiba khamiirku wuu gubanayaa,
hadii ay qabowdahayna, wakhti dheer ayay dhaqiiqdu saliida
dhexfadhiyaysaa oo sliid miidhan ayay noqonaysaa.

3 Responses to Khamiir iyo XabaSawda

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com