Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Macalinka David Moyes: Waan aqaanaa wax uu ka sameysan yahay kulanka Manchester Derby

moyes-ok(maantasomaliland):-Tababaraha kooxda Manchester United, David Moyes ayaa sheegay in uu garanaayo ahmiyada uu kulanka Manchester Derby uu uleeyahay jamaahiirta Man United .

26 sano kadib labada koox ee reer Manchester ayaa ku kulmaya nolol uu ka maqan yahay Sir Alex Ferguson halka Moyes uu ciyaari doono kulankiisii koowaad ee Manchester Derby.

50 jirka Scotishka ah ayaa sheegay in uu ka war hayo xanuunka kulankan iyo in taageerayasha United ay xamaasadeysan yihiin .

“Waa markii iigu horeysay ee Manchester Derby laakiin waan aqanaa wax uu ka sameysan yahay kulankan maxaa yeelay England banankeeda kuma nooleyn ayuu Moyes usheegay The People.

“Waan ogahay in uu taageerayasha United wax walba kaga muhiimsan yahay ana waan in aan ku fikiraa in aaney madax hoos aadin Axada .

“cid walba oo ku nool England waxey hadal heysaa kulankaan ,waan ku bararugsanahay sida ay utahay ciyaar weyn waana farxi doonaan jamaahiirta Man United .

by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com