Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xukuumadda loogama fadhiyo in ay warbaahinta ku jahawareeriso waxa ay bulshada u qabatay islaamkuna ma qabo

(MSL) Iliilada biyaha ee dhinaca Barri ka xigta Madaxtooyada ee jidka u dhaxeeyay Xarunta Taliska Asluubta iyo Dhismaha Masaaradda ayaa qarka u saran in ay mar kale go’do, waxaanay Dadweynaha jidkaasi maraa markay arkeen saareen dhagax la mid ah ka ay Xukuumaddu dhigto meelaha ay Mashaariicda ka bilaabayso si aanay gaadiidka iyo Dadweynuhuba ugu dhicin.

Iliilada go’aysa oo uu dul maro jidka isku xidha Maxkamadaha Dalka iyo Wasaaradaha qaarkood ayaa u dhaw in uu Dumo, ilaa hadana Xukuumadda iyo Dawladda Hoose toona kuma baraarugsana jidkaasi, waxaanu u baahan yahay in deg deg wax looga qabto.

Jidkan ayaa dhawr jeer Roobabku hore u gooyeen hase yeeshee markasta oo ay Roobabku curtaan ayuu hadana dib u go’aa, waxaana sababa Iliilada oo cabudha kadib marka ay hoos maraan Qoryaha iyo Dhagaxaanta Daadku soo rogo.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa wakhti Madaxweynaha iyo xubnaha golihiisa Wasiiradda qaarkood ay dhagaxaan soo dhigayeen Dhismayaal boqolaal KM ah, kuwaas oo ay Xildhibaanada Golaha Wakiiladda intooda badani ku tilmaameen Riyo aan suurtogal ahayn, hase yeeshee Madaxweynaha iyo wasiiradiisu ku adkaysanayaan in ay kaga dhabayn doonaan.

Dhinaca kale, salaadii Jimcaha waxa Masaajidada Hargeysa qaarkood laga jeediyay Qudbado lagu dhaliilayo Faanka Xukuumaddu ku faanayso adeegyada ay Bulshada u qabanayso, kuwaas oo ay ku tilmaameen Islaamku inaanu ogolayn waxa la qabanayo ama la Sadaqaysanayo inaan bini’aadamku sheeg sheegin isagoo ka dhiganaya is-tusnimo.

Masaajidada Qudbadaas laga jeediyay waxa ka mid haa Masaajidka Aqsa ee xaafadda Xero Awr, kaasoo sheekhii Qudbada ka akhriyayay si adag uga hadlay safarkii Madaxweyne Siilaanyo ku gaalaa bixiyay goboladda Dalka oo uu sheegay warbaahinta in si xoog ah loogu buun buuniyay isla markaana ay ahayd talaabo aanu Islaamku ogolayn.

Sheekhu waxa uu tusaale u soo qaatay islaamku halka uu ka gaadhay Camalka uu samaynayo inaanay banaanayn in la sheeg sheego nin Soomi jiray oo ilaahay Dartii u soomi jiray balse cid kale iska daaye aanay Reerkiisu ka war haynin.

“ Islaamka iyo dadka wanaagsani Camalka ay qabanayaan waa in ay Ilaahay dartii u qabtaan haddii kale ilaahay ma aqbalo Camalkaasi, dadka Saalixiinta ah ee wan wanaagsani waa kuwa waxa ay qabanayaan aan dadka tusin, imikana waxaad arkaysaa qofkiiw ax yar sadaqaysanaya halkii uu illaahay dartii ugu bixin lahaa buu Telefishanada iyo warbaahinta kaga soo bandhigayaa.”

“ Xukuumadda waxaad arkaysaan in maalmahan ay aad ugu buun buuninaysay Warbaahinta gaar ahaana Telefishanada Safarkii Madaxweynaha oo kolba lagu soo cel celinayo meel uu dhagax dhigayo iyo mashruuc uu furayo, arri ntaasi maaha mid sax ah Madaxweynuhu waxa uu qabanayaa waa wixii bulshadu lahayd, maaha in uu ku Faano ee waa in uu xilka saaran si sharciga waafaqsan uga soo baxaa oo aanu Telefishanada ku wareerin waxa uu qabanayo” ayuu yidhi sheekhaasi.
XIGASHO WAAHEEN
MAANTASOMALILAND.COM
XUSEEN XARBI

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com