Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Falalka Guryaha Lagu Gubayo oo lasheegay inay lugta kula jirtaan shirqoolo siyaasadeed

Waxaa looga baahanyahay dadweynaha caasimadu inay gacan siiyaan Haayadaha Amniga.

hargeisa(maantasomaliland.com), Waxaa beryahan ka socday xaafado ka mida magaalada caasimada ee Hargeysa gaar ahaana Xaafada New-Hargeysa ee deg/G/Libaax, in guryo farabadan la gubaayo,Falalkan oo aan noocooda hore loo arag ayaa illaa hadda waxa la gubay ilaa dhawr iyo soddon guri oo lagu kala gubay guryo ku yaala badidoodu degmadaasi, waxaana bino ka samaysnaa ilaa shan guri, inta kale waxa ahayeen Sandaqad iyo Aqalada nooca la yidhaa Baybayga , isla markaana dadka magaalada waxay ku riday argagax iyo firka-nax oo qof kastaaba is weydiinayey hadmaa gurigaaga la gubi guban doonaa isagana , hadaba dadka ayaa isweydiinayaa yaad isleedihiin way ka dambeeyaan.

Hadaba dad xaafadaa degan ,ayaan ku kala beydhin in gubitaankanu uu aad ugu gedisan gubitaanada caadiya ,islamarkaana marka hore dadku u haysteen uun wax dab ama laydh (electric) ka kacay, lakiin arinkii wuu isbedelay waxaana la ogaaday in ay tahay arrimo siyaasadeed oo aad looga soo shaqeeyey,lana ogaaday in arrintu ay tahay ula kac guryaha loo gubaayo isla markaana waxaa la adeegsanayaa ay tahay xoogii iyo dhalinyaradii xaafadahaasi, iyadoo gudigii xaafadaha ee dhinaca nabadgelyada kala shaqaynjirtay arimaha noocana u xilsaarnaana ay afka xidheen oo sidaasi ay kuu cadeynaayaan, dad xaafadahaasi degan oo diiday inay magacooda cadeeyaan sababo nabadgelyo dartood.
Waxaana la cadeeyey inay tahay Xaafada New-Hargeysa ta sida gaarka loo bartilmaansaday inkastoo xaafadaha kale lagu daray sida ay dad arimaha u kuurgalay ay sheegeen , hadaba marka eegto mudaharaadyada sida degdega laysugu habeeyey xaafadaasi iyo hadalada Xildhibaanka oo aan caan ku ah arimaha noocana ahaana shaqsigii hogaaminayey ama ka danbeeyey qufulkii lagu xidhay guriga g/wakiilada iyo weliba falalkii arxandarada ahaa ee dadka caasimada sida tooska loo bartilmaansaday ayaa ah wax aad looga naxo.
Muddada dhacdooyinkani socdeen iyo macluumaad la xidhiidha waxyaabaha loo adeegsaday ee lagu gubayey guryahaasi, ayaa iminka Muddo afar todobaad ah, kolba way isa soo taraysay oo way ka soo badanaysay, markii hore sidan looma fahansanayn, lakiin isla todobaadkii hore ayaa la fahmay, ilaa sadex todobaad ka hor wayaa haayadaha amnigu haleen macluumaad kolay laga sugaayo inay soo bandhigaan , waxaanu dabku ka dhalanayaa sida la sheegay Gaas, Badrool, Tiinar iyo waxyaabe kale oo boodha ah oo la isku daray, waxaanay loo qaaday sida ay sheegeen sarakiishaCID-du xeradooda .
Alaadahan loo adeegsanaayo gubitaanka guryaha ama falalka axmaqnimada ku saleysan ee danaha gaarka ah xanbaarsan , ayaa waxa mar kaliya laga war helayaa Urta Sun kiminko ah oo Guryahaasi la gubay Dushooda la saaray,taasoo markii ay Cadceedu ku dhacdayna Olol Samaysay, , Dad goob jooga ayaa xaqiijiyey in Gubashada Guryahani ka dhalatay walxo ilaa hada aan la garanyn oo la sheegay in guriga lagu dul daadinayo habeenkii,taasoo marka ay cad -ceedu ku dhacdo dab dhalinaya, waxaa xitaa la arkay Guri ku yaal xaafada Goljano oo laga maydhayo Kimiko lagu shubay Wajahadiisa, Nin ayaa loo qabtay Aaladaha loo adeegsanaayo gubitaanka .
Dhinaca kale waxaa iyaduna jirta cabsi xoogleh oo dadweynaha ku dhaqan Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Hargeisa,gaar ahaan Bulshada ku dhaqan Xaafadaha dhinaca bari ku yaala,Kuwaasoo qaarkood sida la sheegay aanay habeenadii u dambeeyey Seexan Guryaha Cabsi awgeed,halka dadka ku dhaqan Xaafadaha kale magaaladuna ay wadnaha farta ku hayaan falalkan oo sii fidayaya, ayna ka dhursugayaan badhitaanada ay wadaan haayada amniga ku shaqada leh.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa isaguna markii u horaysay ka hadlay guriyahan ku yaala Magaalada Hargeysa kuwaasi oo illaa imika aan la aqoonsan cida gubtay.“Hawshaasi faraha ayaa lagu hayaa oo ciidanka Booliska ayaa gacanta ku haya si deg deg ahna waa la idiinla socod siin doonaa arrinta guryahan la gubayo waxa ka soo baxa,”ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.
Ilaa hada waxa socota baadhis ay Hay’adaha Amaanku arintaasi ku daba jiraan sida uu ka dhawaajiyey Taliyaha Ciidanka Booliska Somalilland Col: Cilmi Rooble Fure oo Saxaafada u waramay.
Dhinaca kale, Taliyaha guud ee ciidanka booliska Somaliland Col, Cilmi Rooble Furre [Cilmi-kabaal] ayaa ku dhawaaqay in ay ciidanku gacanta ku dhigeen nin isagu wakhtigaas gacmaha kula jiray oo fulinayey fal uu ku gubayey guri ku yaalla xaafada New Hargeysa.
Taliyaha ayaa sheegay inay Ciidanka Amaanku ka wadaan xaafadaas iyo meelo kale hawlgalo culus oo ay kaga hortagayaan, isla markaana ay amuurtan ku fashilinayaan, isagoo sheegay in ay hadda gacanta ciidanka ku jiraan shan qof oo loo haysto fal dambiyeedyadan.

Taliyaha iyo saraakiisha sare ee taliska ciidanka booliska Somaliland oo u waramayey warbaahinta, ayaa dadweynaha ku dhaqan xaafada New Hargeysa oo ah xaafada laga gubay guryaha ugu badan usoo jeediyey in ay is dajiyaan, isla markaana ilaashadaan nabadgeliyadooda oo ay sheegeen in lagu soo duula.
Wararkale oo aan xaqiiqadooda si rasmiya loo ogaan ayaa sheegaya in falalkan Gubista Guryaha ay ka dambeeyaan xildhibaan ,wasiiro iyo wasiiro, /xigeeno hore, xubo ka mida Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB iyo xubnaha ka mida xisbiga talada haya ,ujeedada ugu weyn ee looga danleeyahay ay tahay sidii shacabka loogu kicin lahaa Xukuumadda ama ay khalkhal geliyaan amaanka Wadanka Somaliland iyadoo dagaal qaran socdo, Ilaa hada waxa socota baadhis ay Hay’adaha Amaanku arintaasi ku daba jiraan sida uu ka dhawaajiyey Taliyaha Ciidanka Booliska Somalilland Col: Cilmi Rooble Fure oo Saxaafada u waramay,waxaana ay sheegeen inay qaadayaan tallaabooyin hor leh oo ay talis ahaan wax kaga qabanayaan cida ku kacaysa falalkan iyo cida dabada ka riixaysa.

Waxaa laga sugayaa Haayadaha arimahan ku shaqada leh baadhitaano wanaagsan, laakiin waxaa looga baahanyahay dadweynaha inay gacan siiyaan Haayadaha Amniga oo aan meel kale ka iman,isla markaana dadka ka soo dhex baxay, indho saa’id ahna aan lahayn, laakiin waxa indho iyo gacmo u ah iyo baalal ay ku duulaan dadweynaha , haddii ay dadweynuhu xaqa ka qarsadaana wax u soconayaa ma jiraan, waxaana aad iyo aad u gaabiyey dadkii shacabka ahaa soo sheegi lahaa isla markaana soo bandhigi lahaa, taasina waa codsi dadweynaha laga codsanayo inay gacan siiyaan haayadaha nabadgelyada oo ay la baadhaan oo ay telefoonada qaataan muhiimka ah ,si ay ugu soo sheegaan, hayadaha amniguna ay awoodii ciidan ula tagaan, sidaas ayey wax inoogu qabsoomayaan”

Hadaba dhibaatadan ay gaysteen dadka manaxayaasha ah iyo dadka ay adeegsadeen ayaa ah Masiibo ku dhacday dad danyarta u badan, waxaanu leenahay Illaahay ha ka cawilo, waanaanu u ducaynaynaa , waxaana aanu leenahay fidmada iska qabta (Siyaasiinta xaafada iyo dadka ay adeegsanayaan)dadka ku dhaqan xafadahaasow iyo kuwa kalebow.hadaydaan soo sheegina kuwa dhibta ugu weyni soo gaadhaysaa waa idinka, wayna idinku baahi oo xaafadaha iyo magaalada oo dhan ayay gaadhi doontaa, Ilaahay halkaa ku bakhtiiyo ayaanu Ilaaha Raxmaanka ah, idiinka baryeynaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com