Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xildhibaan Mahdi Buubaa Oo Ka Dhiidhiyay In Uu Codkiisa Iibiyo Miciinsadayna In Uu Taago Labada Gacmood Markii La Codaynayay Xeerka Gadiidka Iyo Horomarinta Wadooyinka

Xildhibaan Mahdi Buubaa Oo Ka Dhiidhiyay In Uu Codkiisa Iibiyo Miciinsadayna In Uu Taago Labada Gacmood Markii La Codaynayay Xeerka Gadiidka Iyo Horomarinta Wadooyinka.

 

Waxaa La Noo Yimid Shan Jeer In Ka Badan Waanu Ka Diidnay Waxay Noola Yimaadeen Oo Waanu Ka Gaws Adaygnay.


Hargaysa (msl)- xildhibaan mahdi buuba oo kamid ah xildhibaanada somaliland ayaa maanta si kulul u cambaareeyay xeer ay ansixiyeen golaha wakiilada somaliland xeerkaas oo ahaa xeerka gadiidka iyo horomarinta wadooyinka, kaaso oo ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen goluha, ansixinta ka dib ayaa waxaa golaha dhexdiisa shir jaraa’id ku qabday shan xildhibaan oo kamid ahaa kuwii diiday xeerkan oo uu ku jiray xildhibaan mahdi buubaa.
Xildhibaan mahdi buubaa ayaa sheegay in ilaa xalay shan jeer lagu soo noqday xildhibaanad diidana xeerkan si loo mustafeeyo oo la sii wixii ay u baahdaan iyaguna ay sidaa ay xeerkan ku ansixiyaan, waxaa uu sheegay in qaar yeelay ay ku jiraan kuwa ogalaaday xeerkan oo aan tudhayn shacabka anaguna waanu diidnay wixii ay noola yimaadeen.
Hadaladiisiina waxaa kamid ahaa “waad ogtihiin in xildhibanada qaar ay soo jeediyeen in xeerkani aanu haysan wadadii saxda ahayd, maantana sida ay wax isku badaleen waad arkayseen, xildhibaanadayadani halkan fadhidaa mid aan shan jeer lagu soo noqon ma jiro, anagu oo danta shacabka iyo qadiyadan anagoo eegayna in dariiqa saxda ah kusoo celino waanu ku gaws adaygnay in wixii loola yimid aanu aqbalno, mudanayaasha aqbalayna dadwaynihii soo doortay ayay u taala waxay ka yeelayaan, waxanu kaliya oo aanu halkan ka cadaynaynaa in aanu difaacno oo ku gaws adaygno wixii ay la yimaadeen”
Xildhibaan mahdi buubaa dhnaka kale wuxuu iftiimiyay in xeerkani uu yahay olole been ah oo ay shacabka lagu yidhi mudanayaashaasi waxay diidan yihiin in wadooyin la idiin dhiso waxaana isagoo hadalkiisa sii wata uu yidhi “waxaan doonayaa oo kale in aan halkan ka cadeeyo olalaha beenta ah ee la leeyahay mudanayaashaasi waxay diidan yihiin wadooyin in la idiin dhiso, ma diidanin in wadooyin la dhiso laakiin qaabka loo dhisayaa maaha kan ayaanu leenahay kii saxda ahaa maaha wax wado lagu dhisayo maaha waa mid u jeedooyin gaar ah laga leeyahay waa mid danta ku jirtaa ay kaw ka tahay afartii markab ee xajka tagayay waa ina dhaafeene lixda danbe aynu ka gaadhsiino oo bahalka inaga dadajiya intaas ayaa laga leeyahay waa lacag uruursi horaana u sheegay maaha wax wado lagu dhisayo”
Mudane buubaa ayaa shacabka usoo jeediyay in ay ka dhiidhiyaan xeerkan dulmiga ku dhisan ee aan u danaynayn shacabka iyo danta umada waxaanu yidhi “waxaana umada u sheegayaa xeerkan idinkaa la idinku dhaqayaa, anagu shaksi ayanu ka nahay, dadwaynaw idinkay idiin taalaa sidaad uga gilgilan lahaydeen ee aad isku hortaagi kartaan, xeerkan dulmiga ku dhisan ee aan u danaynayn danta umada somaliland, waxaan leeyahay muujiya kartidiina”

xuseen xarbi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com