Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xildhibaanada golaha wakiiladu waa mindi fulintu ku gawracdo shacabkii soo doortay

Xildhibaanada golaha wakiiladu waa mindi fulintu ku gawracdo shacabka ay codkiisa golaha ku fadhiyaan.
Waa gaashaan ay xukuumadu iskaga dhigto shacabka oo ay hadba xeerka ay doonayaan ka ansaxsadaan.
Markaa waxa aan golaha wakiilada ugu baaqayaa inay xilka iska casilaan oo ay dadkii soo doortay
dib ugu celiyaan mar haday dantii shacabka ka soo horjeesteen oo ay dantii xukuumada fulinayaan.
Halkii laga rabay inuu golaha wakiiladu daba gal ku sameeyo fulinta, mar hadii ay dhaameelka habeenkii
fulintu u daadiso ka door bideen xilkii ay shacabka iyo dalkaba u hayeen waa in kalsooni loo waydiiyaa
codbixiyaasha ay codkooda ku fadhiyaan.
Golaha wakiiladu waa Aafo labaysay xukuumada dhukkan ee lixda kiish u tolatay danyarta dakhiligoodu
ka yaryahay $50 per month.Aafooyinka maamulka aadamigu waa kuwa ugu daran ee shacab iyo dalba
damm ka siisa,sida looga soo kabtaana ay qaadato sannado badan.Xukuumadan dhukkan ee maanta ka
talisa dalkan Jamhuuriyada Somaliland iyo golaha wakiiladu waxay u ban-baxeen oo ay si aan gabasho
lahayn ula dhaqmayaan shacabkan aan weli ka soo kaban xasuuqii iyo qaxii habka loo yaqaan (Wanka
macasha ii qabo – aniguna aan gawraco).
Xukuumada dhukkan waxay dalka ka abuurtay 2 dabaq oo aad u kala fog,dabaq hoose oo nolol
maalmeedku ku adagyahay iyo dabaq sare oo iyana noqotay casaabad aan jeebka danyarta u tudhin.
Dabaqa hoose marka laysku celceliyo qoyskiiba 4caruur ah ayaa malcaamad ilaa jaamacad ugu jira,
lacag ayay ka bixiyaan,gaadiidka qaada,buugaagta,dharkooda iyo waxyaabaha arday u baahan-yahayba
cid ka caawisa ma haystaan,kuwii ay codkooda siiyeen ee ay ka filayeen inay baahiyahooda u baadi
doonaan ayaa saakana ku ansixiyay xeerka kordhinta cashuuraha gaadiidka iyo xoolaha.Waan ayaan
darro hor leh,waa aafo danyarta ku habsatay.
Dabaqa sare isaga wax dhibaato ah oo ay kala kulmayaan kordhinta cashuuraha gaadiidka iyo xoolaha
ma jirto,waxii la sooraba iyagu dabaqa hoose ayuun bay dusha ka saarayaan.Dhibta ugu culus waxay
dusha ka saarantahay danyarta ku nool dabaqa hoose.Waxa u hadhay uun inay cashuur ka bixiyaan
saliyada ay ku seexdaan!!!
La soco qubanaha danbee qarka soo jafaaya.
WAAHEEN

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com