Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wax Walba Oo Aad Uga Baahan Tahay Kulanka Caawa Ee Man United vs Liverpool

Soccer - Barclays Premier League - Manchester United v Liverpool - Old Trafford(maantasomaliland):-Kulan ugu weyn caadiyan wadanka Ingriiska ayaa caawa dhex mari doona kooxaha Man United vs Liverpool ciyaar ka tirsan wareega 3 aad ee Capital one Cup-ka

Garoonka: Old Trafford

Garsooraha: Mark Clattenburg

Saacada bariga afrika: 9:45

Manchester United

Manchester United ayaa eegeysa in ay ka soo kabsato musiibadii asbuucan ka soo gaartay kooxda Man City oo kaga adkaatay 4-1.

Tababare David Moyes ayaa lagu wada in uu wax ka badalo kooxdii qasaarada kala kulantay City .

Michael Carrick iyo Marouane Fellaini ayaa laga yaabaa in ay aaney ku soo bilaaban waxaana fursad heli kara Anderson iyo Tom Cleverley halka Jonny Evans laga yaabo in uu badalo Vidic ama Ferdinand .

Robin van Persie, Rafael, Phil Jones iyo Darren Fletcher ayaa dhaawacyo uga maqan kooxda Man United.

Liverpool

Liverpool ayaa asbuucan laga jabiyay rikoorka guul daro la,aanta ee xagaaga markii ay Southampton ku qaarijisay 1-0.

Luis Suárez ayaa caawa dib ugu soo laabanaya kooxdiisa kadib markii uu soo dhameystay ganaax 10 kulan ahaa.

Tababare Brendan Rodgers ayaa rajeynaya in kooxdiisu ay guul ka keento Old Trafford caawa.

Daniel Agger, Philippe Coutinho, Aly Cissokho, Sebastían Coates iyo Glen Johnson ayaa dhamaantood laga yaabaa in ay dhaawac ku seegaan ciyaartanSoccer - Barclays Premier League - Manchester United v Liverpool - Old Traffordby abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com