Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Naadiga Chelsea Oo Atletico Madrid Ubandhigeysa Qorshe Wax Is Dhaafsi Ah

juan-mata-chelsea(maantasomaliland):-Macalnka kooxda kubada cagta ee Chelsea Jose mourinho, ayaa bilaabay qorshe labada kooxood ee Atletico Madrid iyo Chelsea ku kala badalanayaan labo ciyaaryahan

Mou ayaa miiska soo saaray Juan Mata, si uu u helo weeraryahanka Naadiga At.madrid ee Oliver Torres.

Jose Mourinho ayaa sheegay in Mata uu ka sii huleelayo garoonka Stamford Bridge, isagoona sheegay in bixitaanka Mata ay ku xiran tahay inuu helo ciyaaryahan Oliver Torres.

Wargeyska The People ayaa sheegay in marka la gaaro bisha Janaayo uu ka tagi doono kooxda Chelsea ciyaryahan Mata,iyadoona ay jiraan kooxo dhowr ah oo daba ordaya ciyaaryahanka reer Spain ee Juan Mata.

Lama oga sida uu uu noqon doono qorshaha uu soo bandhigay macalin Mou ee ah in labada ciyaarayahan ee kala ah Oliver Torres iyo Juan Mata in La is dhaafsado

by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com