Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Kooxda Arsenal oo dooneysa Maximilian Wagener

maxim-490x326(maantasomaliland):-Naadiga ka dhisan waqooyiga London ee Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay u dhaqaaqday saxiixa laacibka da’da yar ee naadiga Bayer Leverkusen. Maximilian Wagener.

Macalinka naadiga The Gunnres Arsene Wenger ayaa daawaday qaab ciyaareedka ciyaaryahanka, kadib markii kooxdiisa Leverkusen ay booqasho ku timid magaalada Manchester, kulan ka tirsanaa Champions League.

Wargeyska The People ayaa shaaciyey in 19-jirkaan si aad ah loola xiriirinayo marka la gaaro bisha Janaayo naadiga Arsenal.

Maximilian Wagener ayaa todobaadkan bandhig wanaagsan muujiyey, kadib markii ay kooxdiisa ay ciyaartay koobka Bundesliga ee Dalka Germany.

Si kastaba Wenger oo ah hor joogaha Arsenal ayaa wali shaacin qiimaha uu ku rabo 19-jirkaan u ciyaara naadiga Bayer Leverkusen ee Maximilian Wagener.

by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com