Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Macalinka Kooxda Chelsea Mourinho Oo Si Toos Ah Udifaacay Eto’o

eto-oo1(maantasomaliland):-Tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho ayaa si buuxda udifaacay laacibka cusub ee kooxdiisa Samuel Eto’o kaas oo la sheegay in jamaahiirta Chelsea aaney ku qanacsaneyn .

Samuel Eto’o ayaa ilaa hada ku soo bilawday sadex kulan oo ay ciyaartay Chelsea waxaana uu ku fashilmay in uu gool dhaliyo.

Waxaa soo baxay guryan hoose oo ku aadan in Samuel Eto’o uu yahay xidig aan uqalmin in uu ku soo bilawdo ciyaar walba laakiin Mou ayaa midaas iska diiday .

“Waxaa uu 10 sano ka mid ahaa weeraryahanada ugu wanaagsan qaarada yurub ,mar walba waxaa uu lee yahay tayo aan is badalin ayuu Mourinho usheegay The People .

“Waan ogahay waa 32 jir laakiin wax qabadkiisii waa sidii uu ahaa 5 sano ka hor ,waxaa uu lee yahay waayo aragnimo uu ku caawiyo kooxda .

“Dooqa cida ciyaareysa qofna ilama xakunto ,Samuel Eto’o waxaa uu heli doonaa wixii uu mudan yahyay ,dadka kalana iyaguna ha sugtaan fursadooda .

by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com