Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Man United ,Chelsea Iyo Arsenal Oo Ku Jira Dagaalka Pirlo

pirlo(maantasomaliland):-Jariirada Daily Star ayaa sheegtayy in kooxaha Ingriiska ay bilaabeen olole ku aadan saxiixa xidiga khadka dhexe ee kooxda Juventus iyo xulka Italy Andre Pirlo.

Andre Pirlo ayaa lagu soo waramaya in uu ka aamusay in uu heshiis cusub usaxiixo kooxda The Old lady ,waxaana uu door bidaya in uu dibbado ka ciyaaro.

Manchester United oo 10 sano ka hor isku dayday iibka laacibkaan ayaa aaminsan in ay hada soo qaadan karto ,halka tababaraha Arsenal Arsene Wenger uu mudo dheer taageero u ahaa kubbad qaabeeye Pirlo.

Chelsea ayaa lagu soo waramaya in ay ka qeyb qaadaneyso loolanka xidigaan kaas oo heshiiskiisu uu ku eg yahay bisha June ee sanadka soo aadan .

Real Madrid ayaa iyaduna sidoo kale ku jirta kooxaha doonaya xidigaan waxaana tababare Carlo Ancelotti uu ku fakaraya in uu keeno caasimada Spain.

Juventus ayaa dhankeeda ku dadaleysa in ay celiso laacibkaan laakiin waxaa lagu soo waramaya in uu ka madax adeegayo.


by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com