Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ciyaaryahanka David Luiz Oo Diiday Fariin Ka Timid Jose Mourinho

David Luiz(maantasomaliland):-Daafaca Chelsea David Luiz ayaa sheegay in uusan wax walaac ah ka qabin mustaqbalkiisa ciyaareed ee kooxda Chelsea waxaana uu diiday in uu hor mariyo heerkiisa kubadeed isagoo sheegay in uu isku kalsoon yahay .

Xidiga wadanka Brazil ayaa dib ugu soo laabtay Chelsea kulankii Swindon Town waxaana ay saxaafadu weydiisay sida uu arko Hadalkii Mourinho ee ahaa in ay sare uqaadaan tayadooda isaga iyo Mata.

“Waa hal kulan ,mararka qaar waa ay dhacdaa midan oo kale , dadku waxey doonaan ayey ku hadli karaan ayuu Luiz usheegay wariyaasha .

“Uma baahni in aan hor marin kale sameeyo ,waan ku kalsoonahay sida aan hada ahay ,go,aanka waxaa leh Mourinho laakiin wax intaa ka dheer ma sameyn doono sidaan ayaan ku ahay xidig buuxa .

Mar wax laga weydiiyay xaalada saaxibkiis Mata ayuu Luiz ka gaabsaday in uu wax badan ka yiraahdo arinkaas.

Juan Mata waa xidig muhiim u ah heerarka Chelsea ,qof walba waa og yahay wax qabadkiisa laakiin xaalka uu ku sugan yahay hadal badan iigama furna .

by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com