Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Naadiga Galatasaray Oo Dooneysa Roberto Mancini

roberto-mancini-manchester-city(maantasomaliland):-Kooxda Galatasaray ayaa lagu soo waramaya in udhaqaaqday in ay soo qaadato tababaraha baaga muudada ah ee Roberto Mancini.

Kooxda reer Turki ayaa asbuucan shaqada ka erisay tababare Fatih Terim kadib markii asbuucii hore ay 6-1 kaga adkaatay kooxda Real Madrid ciyaar ka tirsan Champions League.

Wararka ka imaanaya ciida Turkiga ayaa sheegaya in kooxda Galatasaray ay dooneyso in ay ku dhowaaqdo macalinkeeda cusub inta aaney la ciyaarin Juventus kulankooda labaad ee koobka horyaalada yurub .

Tababare Mancini ayaa baago muudo ah tan iyo markii dhamaadkii xagaagii hore laga eryay shaqada tababarinimo ee kooxda Manchester City.

Jariirad The Guardian ayaa sheegtay in Galatasaray ay wada hadalo la bilaawday wakiilka macalinkaan ,waxaana sii kordhaya wararka sheegaya in uu xagaagan ku soo laaban doono garoomada .

by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com