Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102
Home » Archives by category » War (Page 772)

Wefti Ka Socda Urur-gobolleedka IGAD oo Shalay Booqday Dugsiga Xannaanada Xoolaha Sheekh

Wefti uu hoggaaminayo Xoghayaha gaarka ah ee Urur-goboleedka IGAD Eng. Mahboub Maalim oo dalka soo gaadhay todobaadkan, ayaa shalay booqasho ku tegay dugsi-goboleedka Xannaanada Xoolaha ee ku yaalla Degmada Sheekh ee gobolka Saaxil. Weftiga oo ay wehelyeen Wasiiradda Xannaanada Xoolaha iyo Beeraha, ayaa la sheegay in safarkooda Dugsiga Sheekh la xidhiidho qorshe uu Ururka IGAD […]

Wasiirka Maaliyada Ee Somaliland Oo Baryahanba Xaalad Caafimaad Darteed Ugu Jiray Cisbitaal Ku Yaalla Magaalada Jabuuti Oo Maalinta Bari Ah La Filaayo Inuu Dalka Dib Ugu Soo Laabto

Jabuuti (maantasoomaalilaand) Dec, 16. 2010- Wasiirka maaliyada ee JSL Md Maxamed Xaashi Cilmi oo muddooyinkii u dambeeyey xaalad caafimaad ugu jiray cisbitaal ku yaala magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jamhuuriyada Jabuuti, ayaa la filayaa in maalinta bari ee Khamiista ah uu dalka dib ugu soo laabto, ka dib sida la sheegay markii ay xaaladiisa caafimaad […]

Iskaashatada Hilibka Hargeysa Oo Ku Baaqay In Deg deg Loo Sii Daayo Guddoomiyahoodii Uu Xidhay Maayar Jiciir

Hargeysa (Maantasomaliland)- Iskaashatada hiliblayaasha caasimadda Hargeysa ee Nafaqo, ayaa dabooolka ka qaaday in ay isugu soo bixi doonaan mudaharaad ballaadhan oo ka dhan ah tacadiyo iyo cabudhin ay sheegeen in uu kula kacay Maayirka Caasimadda Hargeysa oo ay tilmaameen inuu ku khasbaayo shirkadda Maandeeq oo aanay wax wada shaqayn ah ka dhaxayn. Waxa hiliblayaasha ku […]

Gudoomiyihii Iskaashatada HiIiblayaasaha ee Nafaqo oo maayarku si sharci daro ah u xidhay

Gudoomiyihii Iskaashatada HiIiblayaasaha ee Nafaqo oo maayarku si sharci daro ah u xidhay Hargeisa(Somaliland Maanta)- Gudoomiyihii Ururka iskaashatada Nafaqo mr Mahamoud Hassan Ali(Gurey) ayaa manta si sharci daro ah loogu xidhay magaalada Hargeisa, kadib markii uu wargaysa Dawan ay ururku ku muujiyeen cabasho la xidhiidha Maayarka iyo kawaanka ay shirkada  Maandeeq  gacanta ku hayso, arintaas […]

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi (Saylici) oo ay weheliyaan Wasiiradda

Hargeysa, 15, Dec, 2010-(Maanta-Somaliland)- Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi (Saylici) oo ay weheliyaan Wasiiradda Waxbarashada, Macdanta iyo Biyaha iyo Maareeyaha Wakaallada biyaha Hargeysa, ayaa maanta xadhiga ka jaray riig-biyood cusub oo laga hirgeliyay Magaalada Geed-deeble ee waqooyiga Hargeysa iyo laba fasal. Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo hadal kooban jeediyay munaasibad uu xadhiga kaga jaray riigan cusub, ayaa […]

Laba Ruux Oo Ku Dhaawacmay Ceel Bardaalle

Ceel Bardaale (Maanta-Somaliland)- Laba nin oo ka tirsan maleeshiyo beeleed ku sugan deegaanka Ceel Berdaale ee gobolka Gabiley ayaa shalay dhaawacmay ka dib markii ay ku dhacday rasaas ka baxsatay qori uu sitey nin kale oo isla maleeshiyadaas ka tirsani.. Warkan oo aanu ka helnay weriyahayaga nooga soo warama gobolka Gabiley Mukhtaar Nuux Ibraahim waxa […]

Mudaneyaashii Mooshinka Watay Oo Hor-isataagay Talaabaddii Golaha Lagu Fasaxay

Hargeysa(Maanta-Somaliland)- Mudaneyaashii watay Mooshinkii wax ka bedelka xeer hoosaadka Golaha Wakiiladda, ayaa maanta gaashaanka ku dhuftay tallaabada uu Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad ee Aqalkaasi Md. C/Casiis Maxamed Samaalle uu ku fasaxay Golihii. Waxa kale oo ay tafaasiil ka bixiyeen sababta ay u soo jeediyeen in is bedel lagu sameeyo Xeer hoosaadka aqalkaasi. Mudaneyaashaasi waxay sidaasi […]

Safiirka Somaliland Ee UK oo Xafiiskiisa kula Kulmay Aqoon yahanda Iyo Odayaasha Gobolada Bari Ee Togdheer Iyo Sool

Safiirka u fadhiya samaliland Magaalada Birmingham UK Mudane Abdirahman Ali Ubaxle ayaa todobaadkan xafiiskiisa ku qaabilay odayaasha iyo waxgaradka ka soo jeeda gobolada bari Somaliland gaar ahaan Togdheer iyo Sool si ay uga shaqeeyaan kaalintooda kaga aadan deminta colaada ka aloosan degaanka Buuhoodle iyo Qorilugud. Kulankan oo ku bilaabmay weji farxadeed ayaa waxgaradka labada dhinac […]

Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Markii Ugu Horaysay Faah-Faahin ka Bixyay Siyaasada Ay U Sameeyeen Aminaga Qaranka‏

Hargaysa (Maanta Somalilad) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gabboose ayaa maanta ku qaabilay xarunta wasaaradda Warfaafinta dadwayne aad u tiro badan, halkaasi oo uu kaga jawaabay su’aalo door ah oo ay dadwaynuhu waydiiyeen. Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo maanta lagu casuumay barnaamijka Maqal Dadkaaga oo todobaadkiiba mar lagu qabto xarunta […]

Wefti Uu Hogaaminayo Xoghayaha IGAD oo Socdaal ku yimid Somaliland

Hargeysa ()- Wefti balaadhan oo uu hoggaaminayay Xoghayaha Fulinta ee urur goboleedka IGAD Md. Maxbuub Macalin iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa booqasho sadex cisho ah markii u horraysay ku yimid Somaliland. Weftigan waxa madaarka Hargeysa ku qaabilay Wasiirrada Arrimaha dibada Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dr. Axmed Xaashi Nuur (Oday). Weftigan oo […]

Madaxweynaha Somaliland oo Cafis u Fidiyay Jaamac Sifir

Hargeysa ()- War-saxaafadeed uu maanta soo saaray Af-hayeenka madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayuu ku sheegay in Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu cafis Madaxweyne u fidiyay Jaamac Maxamuud Sifir. qoraalka warsaxaafadeedkaasi u dhignaa sedan:-“Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu Maanta soo saaray Digreeto Madaxweyne oo uu Cafis ugu fidiyey […]

Xiisad colaadeed ayaa mar kale dib uga soo cusboonaatay deegaanka Ceel bardaalle ee u dhaxeeya Gabilay iyo Boorame

ka dib markii saqdii dhexe ee xalay koox dablay ahi weerar ay ku qaadeen reer oo ay mir ku dilleen nin mid kalena ay dhaawaceen. Badhasaabka iyo cuqaasha gobolka Gabilay ayaa xalay shir jaraa’id oo ay ku qabteen xarunta maamulka gobolka Gabilay waxay ku cambaareeyeen dilkaasi oo ay sheegeen inuu soo kordhin karo xaalad colaadeed […]

Warning: Undefined variable $additional_loop in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/archive-default.php on line 10 Warning: Attempt to read property "max_num_pages" on null in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/archive-default.php on line 10
Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com