Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Daallo Air-line Ee Saaka Oo Baalka Galisay Dhismaha Terminalka Madaarka Hargeysa

20130926074902(maantasomaliland):-Duulimaadkii saaka ee diyaaradda Daallo Air-line ayaa jiidhay Dhismaha Terminalka Madaarka Hargeysa kadib markii Baalka diyaaradu gaadhay Dhismaha madaarka.

Wax khasaare ahi soo muu gaadhin sida ay Goob joogayaal ku sugnaa madaarku xaqiijiyeen, hase yeeshee ilaa hada baadka diyaaradda ayaa ku jira Dhismaha, waxaanay Maamulka Madaarka iyo Shirkaddu iska kaashanayaan sidii looga saari lahaa.

Ilo wareed goob joog ah ayaa sheegaya in Trafica Madaarka ee hagayay Diyaaradu ku dhaweeyay diyaaradda dhismaha Terminalka markii ay diyaaradu Parking-ka istaagaysay taasina ayay sababtay inuu baalka xigay dhinaca Dhismuhu gaadho gidaarka.

Ilaa hada wasaaradda Duulistu wax jawaab ah kamay soo saarin Shilkan oo ah sida lagu soo waramayo mid aad u fudud.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/harbi_31@hotmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com