Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Masuuliyiin Boorama Qaga Qayb Galay Kulan Wacyigalin Dhinaca Dhawrista Xuquuqda Caruurta Ah

AYODA-wacyigalintii-xuquuqa-caruurta-1-300x224(maantasomaliland):-Ururka Dhalinyarada wadaniga ah ee Gobolka Awdal ee AYODA ayaa maanta ku qabtay xarunta hanuuninta ee bartamaha magaalada Boorama kulan ay ujeedadiisu ahayd wacyigalinta bulshada ee dhinaca dhawrista iyo daryeelka xuquuqda caruurta, waxana kulankan ka soo qayb galaymadaxda degmada, kuwa gobolka, xildhibaano golaha degaanka Boorama ah, saraakiil ka socday ururada rayidka ah, kuwa haweenka, dhalinyaro, caruur iyo dadwayne aad u tiro badan.

Agaasimaha ururka AYODA Md. Siyaad Cumar Cali oo ugu horayntii ka hadlay halkaasi ayaa u mahadnaqay gabi ahaanba ka soo qayb galayaasha, waxana uu ka waramay ujeedada kulankan waxana uu yidhi “Kulankeenu waxa uu ku saabsan yahay daryeelida caruurta kala duwan ee gobolka Awdal, kuwaas oo ay bulshada dhexdeeda marar badan ka soo gaadhaan tacadiyo kala duwan oo ay ka mid yihiin, caado dhaqameedyo xunxun oo ay ka mid yihiin gudniinka, darbijiif aad u dayacan, kufsi iyo faraxumayn kale oo aad u badan”

Agaasime Siyaad waxa uu hoosta ka xariiqay in marar badan xadgudubyada loo gaysanayo caruurtu ay yihiin kuwo aanan bulshada dhexdeeda ka helin garab iyo ehel kale oo ka damqada, waxana uu tusaale u soo qaatay kufsiga iyo faraxumaysta lala beegsado caruurta oo xalkoodu noqdo in oday dhaqameedyo gacanta loo galiyo, oo halkii dabiilaha loo ciqaabi lahaa loo gurmado in la badbaabiyo iyada oo lagu dhaqayo xeerar loogu yeedho “KAB AYAA KA TAALAY” taasi oo xadgudub labaad ku ah ayuu yidhi caruurtii dhibta loogaystay. Waxana uu isaga oo la hadlaya oday dhaqameedyada yidhi “Waxa aan idinka codsanaynaa inaad ka fogaataan oo aydaan ka qayb galin xalinta kiisaska xadgudubka ah ee caruurta lagula kaco isla markaana aad ogsoonaataan in KARAAMADA iyo SHARAFTA xeerarka dhaqanku ay yihiin kuwo masuuliyadooda aad leedihiin oo loo baahan yahay inaan loo adeegsan ku sii xad-gudubka caruur markii horaba dhibane ahaa xaqoodii sharcigu u dhicin lahaana aad dhexda u joogsataan marar badan”

Isaga oo Agaasime Siyaad la hadlaya xukuumada heer degmo iyo gobol waxa uu yidhi“Waxa aan maanta ku cod dheer ku sheegaynaa, isla markaana ka codsanaynaa madaxda kala duwan ee heer gobol iyo degmo inay sii adkeeyaan arintaasna ay ka soo saaraan baaq culus oo ay gabi ahaanba wax kaga qabanayaan xuquuqda caruurta guud ahaan gobolka Awdal ee ay tacadiyada faraha badani ku hareeraysan yihiin, caruurtaas oo ay ka mid yihiin, kuwa agoomaha ah, kuwa la faraxumeeyo, kuwa lagu shaqayso, kuwa la xidho iyada oo ka yar da’dii sharcigu qabanayay, kuwa tahriibka lagu sameeyo, kuwa meelaha fogfog ee miyiga ah li nool ee lagula kaco caado dhaqameedyada aafada ah ee ay ma midka yihiin gudniinka iyo hilib dalqaha, iyo caruur kale oo aad u badan. Waxana nasiib daro ah in tacadiyadaas qaar badan oo ka mid ahi ay ka dhacaan gudaha magaalada Boorama gaar ahaan bartamaha wadooyinka iyo qaybo ka mid ah faras magaalaha, waxana aan idinka codsanaynaa inaad indhaha u furtaan oo aad dareentaan masuuliyada idinka saaran, waxna ka qabataan”

Agaasime Siyaad isaga oo la hadalaya bulsho waynta waxa uu yidhi “ Waxa aan bulshada dib u xusuusinayaa inay Eebe cabsidiisa u soo laabtaan oo ay ka waantoobaan tacadiyada caruurta lagula kacayo daqiiqad walba, isla markaana noqdaan HOOYO iyo AABO uu xil ka saaran yahay badbaadinta caruurta dulmiga iyo tacadiga lagu hayo eek u nool bulshada dhexdeeda”

Xil. Sahra Axmed Cabdilaahi ayaa si gaar ah ula hadashay haweenka waxana ay ku baraarujisay inay u guntadaan sidii ay u badbaadin lahaayeen caruurta maadaama oo ay marar badan ogyihiin marka tacadiga loo gaysanayo caruurta, sidoo kalena waxa ay bulshada ku adkaystay in looga baahan yahay in dhinac qudha looga soo wada jeesto ilaalilnta xuquuqda caruurta si ayay tidhi meesha looga saaro falalka tacadiyada ah ee loo gaysto caruura iyada oo gacmaha la is haysto.

Isuduwaha Wasaaradaha Warfaafinta ee gobolka Awdal Abokor Xasan Caafi, Isuduwaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cabdiwahaab Yusuf Ibraahin, Isuduwaha Wasaaradaha Duulista iyo Hawada ee gobolka Awdal Mustafe Maroodi oo intuba halkaasi ka hadalay ayaa waxa ay balan qaadeen inay ka xukuumad ahaan wasaaradaha ay ka tirsan yihiin ku dhiiri galin doonaan inay xukuumadu soo saarto baaqyo calculus oo wax ka qabanaya sidii loo cidhib tiri lahaa tacadiyada caruurta loo gaysto, waxana ay bulshada ugu baaqeen inay dhagaha u furan sidii dhan looga soo wada jeesan lahaa ee loo ilaalin lahaa xuquuqda caruurta gobolka Awdal iyo guud ahaan Somaliland.

iyo Xoghaya D/Hoose ee Boorama Maxamed Cabdi Xaashi Xamari oo halkaasi ka hadalay ayaa yidhi “Hadii aanay caruuri jirin, dhalinyaro jiri mayso, hadii aanay dhalinyaro jirina mustaqbalka bulshadaadi waa mid hubaal ay tahay inuu mugdi ku jiro oo aanay yeelanay aqoonyahankii iyo indheer garadkii barito, sidaas aawadeed ilaalinta xuquuqda caruurtu waa badbaadinta jiilkii barito ee bulshada, anaga oo taasi ogsoon ayaan qaadnay talaabooyin aan ku dhiiri galinayo dhalinta oo aan ugu dhisayno garoono iyo goobo kale oo madadaalo ah, iyo sidii kale shaqaalaysiin dhinaca dhalinta ah, waxana aan qirayaa in talaabooyinkaasi oo dhani ay yihiin kuwo mustaqbal wanaagsan u muujinaya caruurta maanta oo ah dhalintii barito, waxana an bulshada ugu baaqayaa inay u guntadaan sidii caruurta loo daryeeli lahaa isla markaana loo cidhib tiri lahaa tacadiyada caruurta loo gaysto”

Badhasaab ku xigeenka gobolka Awdal Cabdi Nuur Sugaal oo isaguna ka hadlay kulankaasi ayaa waxa uu yidhi “ Waxa aan u mahadnaqayaa ururka AYODA oo aalaaba xil muuqda iska saara baraarujinta bulshada ee dhinaca daryeelka caruurta, sidoo kale tacadiyada caruurta loo gsyto ee bulshada dhexdeeda ka dhacaa aad ayay u badan yihiin, markaa waxa loo baahan yahay in la qaado talaabooyin lagu ogaanayo xaalada caruurtaas isla markaana wax looga qabanayo sidii xuquuqda caruurta loo ilaalin lahaa, Kufsiga ayaa ah tusaalaha fiican oo u taagan tacadiyada ku soo badanaya gobolka, waxana aan cod dheer ku leeyahay haweenka ha laga daayo kufsiga oo ha la badbaadiyo, waxa kale oo aad u badan caado dhaqameedka gafka ku ah caruurta oo loo baahan yahay in la iska kaashado sidii loo cidhib tiri lahaa, aniga oo ku talinaya in xirfado kale oo shaqo la baro dadka ku shaqayta caada dhaqameedka, bulshada oo isku duuban ayaanan aaminsanahay inay wax muuqda ka qaban karaan ilaalinta xuquuqda caruurta, iyo la dagaalanka tacadiyada ku lidiga ag caruurteena”

Kulankan oo ahaa mid aad u balaadhan ayaa waxa maalgalisay hayada Save the Children, waxa lagu soo ban dhigay ruwaayad masrixiyeed ka muuqaal cad ka bixinaysa tacadiyada loo gaysto caruurta iyo masuuliyada ka saaran bulshada inay u gurmato, sidoo kale waxa lagu soo ban dhigay gabayo taabanaya xanuunka ay bulshadu ku hayso caruurta lagu tacadiyo iyo sidii ay bulshda oo aan u kala hadhin ay ugu guntan lahaayeen wax ka qabashada masuubooyinka dhaxalka u noqday qaybaha bulshada ugu jilicsan ee magacoodu yahay CARUUTA.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/harbi_31@hotmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com