Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Dowlada Turkiga Oo Kusoo Biireysa Dowladaha La Dagaalamaaya Al-qacidada Somalia.

war deee(maantasomaliland):-Dowlada Turkiga, ayaa shaaca ka qaaday inay ka qeybqaadan doonto Dagaallada looga soo horjeedo Kooxda Alshabaab ee ka socda Somalia.

Bekir Bozdag oo ah R/wasaare ku xigeenka dalka Turkiga, ayaa waxa uu Shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa ku yaalla Magaalladda Ankara, isagoona ka hadlay Xiriirka kala dhexeeya Xukuumadda Somalia, waxa uuna si diiran usoo dhaweeyay ka qeybqaadashada la dagaalanka Alshabaab.

Sidoo kale, waxa uu Tilmaamay in Dowladda Turkiga ay diyaar u tahay Dhiira galinta, maalgalinta iyo Hubeynta Ciiddamadda Somalia oo uu ku sheegay inay tahay mid xil ka saran Xukuumadda Turkiga, isagoona dhanka kale, sheegay in iriirka Somalia iyo Turkiga uu yahay mid sii jiri doona waligiisa.

Waxaa uu xusay in xukuumadda Ankara oo saaxiib la ah dawlada Soomaaliya ay ka caawinayaan ka hor tagista weeraro Shabab ka geystay xarumaha muhiimka ah ee Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Waxa uu Tilmaamay in Beesha Caalamka looga baahan yahay wax ka qabashada Arimaha iminka ka taagan Somalia isla markaana ay iska xilsaaran sida Alshabaab looga saari lahaa Somalia.
xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/harbi_31@hotmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com