Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Warbaahinta Caalamka Oo Daabacday In Ragga Weeraray Westagate Lagu Tababaray Gudaha Somalia.

137(maantasomaliland):-Qoraal kusoo baxay Wargeyska Sharqul awsat ee kasoo baxda wadanka Masar, ayaa waxaa lagu sheegay in Kooxihii weerarka ku qaaday Xarunta Ganacsiga Westagate ee Magaalladda Nairobi ay Tababat culus kusoo qaateen Somalia.

Wargeyska oo soo xiganaaya Saraakiisha Amaanka Kenya, ayaa waxa uu sheegay in Xog lahelay ay Tibaaxeyso in Raggaasi weerarka qaaday ay Tababar xoogan kusoo qaateen Gudaha Somalia ka hor inta aysan qaadin weerarkaasi gaadmada ahaa.

Sidoo kale, Wargeyska ayaa waxa uu daabacay in Ragga weerarka qaaday ay ahaayeen kuwa si wanaagsan u garanaaya Luqadda Inglishka iyo Faransiiska si ay ugu dhex milmaan Dadka ku dhex sugnaa Xarunta.

Ugu dambeyntii, Waxa uu Wargeyska Hoosta ka xariiqay inay jiraan Rag ay Xukuumadda Kenya Weerarkaasi u tuhmeyso balse ay baaritaano lixaad leh waddo Dowladda.
by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com