Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Siyaasada Arimaha Dibada Somaliland Ma Waxey Kusoo Gabagabawdey Malmahan Maslaxaada Shirkadii Baadhista Shidaalka Iyo Diyaaradii Ethopian Airline

Hadaba Su,aasha maalmahan ka taagan dhaqdhaqaaqyadii Arimaha Dibada Somaliland waxey Shacbigu ka bixiyeen aragtiyo kala duwan iyadoo, qeybo badan oo bulshada Reer

maxamed biixi yoonis

maxamed biixi yoonis

(maantasomaliland):-Taniyo intii uu Xilka Wasaarada Arimaha Dibada La Wareegay Wasiirka Cusub ee  Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, inkastoo loo han weynyahey dhaqdhaqaaqyada uu ugu horeyn ku waajahayo Arimaha Diblamaasiyadeed ee khuseeya Siyaasada Arimaha dibada waxyaabaha ugu muhiimsan ee Caalamku ka aaminasan yahey, macaamilada indhawaale loo qoondeeyay ee u janjeedhinta dhinaca Siyaasada Soomaaliya oo Somaliland dalal badani ku riixayaan dhinaceeda, iyadoo Wasiirku khudbadihiisii u horeeyay kusoo qadimay in uu  khibrad u leeyahey Arimaha Diblamaasiyada Caalamka ee Xiligan iyo luuqada lagula  hadli karo dalal badan oo Aduunyada ah iyo Waliba Dhinacyada Qaramada Midoobay iyo Hay,adaha Samafalka Caalamiga ah    waxa  guud ahaan Bulshada Reer Somaliland siweyn isha ugu
hayeen isbadelka Dhinaca  Diblamaasiyada iyo talaabooyinka uu abaari doono Wasiirka Cusub ee ArimahaDibada Somaliland.

Hadaba  Su,aasha maalmahan ka taagan dhaqdhaqaaqyadii Arimaha Dibada Somaliland waxey  Shacbigu ka bixiyeen aragtiyo kala duwan iyadoo, qeybo badan oo bulshada Reer  Somaliland kamid ahi aaminsan yihiin in isabadelkii Wasaaradaasi iyo Bilowga  howsha ee Wasiirka Cusubi ay hakad badan galisey doorkii la taagnaa markii hore  ee hadalhaynta iyo Socdaalada Diblamaasiyadeed haseyeeshee, qeybo badan oo iyaguna Shacbiga kamid ah ayaa aaminsan in Wasiirka Cusub ee Arimaha Dibada  Somaliland Maxamed Biixi Yoonis uu jab la maagan yahey sidii talaabo hor leh  ugu dhaqaaqi lahaa Dhinacayda guud ahaanba ay khuseyso Siyaasada Arimaha Dibada  Somaliland hadey tahey Hay,adaha Qaramada Midoobay oo dad badani aragti ahaan u arkaan in ay caqabad ku tahey Gooni isu taaga iyo Ictiraaf raadinta Somaliland,taas oo Wasiirka Cusubna khibradiisa u badan tahey mudada dheer ee uu lasoo shaqeeyay Hay,adaha Mucaawimada Samaflaka Bani,aadanimo ee Unka Waxaana kolay qorshayaasha ku aadan abaarista Wasiirka Cusub ee Arimaha Dibada Somaliland  kaga duulayo meel kasta oo uu galo Ictiraaf raadinta iyo bayaaminta Gooni isutaaga  Somaliland ay tahey wax isaga uyaala islamarkaana, ay saldhig u noqoneyso waxa  uga meel yaala Istaraatijayadaha ay Xukuumada ku doonayso in talaabooyinkaasimarka loo waajaho, Waxa xiligan muuqda in aanu wali jirin ila ambaqaadkii  dhinaca Hogaanka talada haya ee dalka ee Wasiirka Arimaha Dibada taas, oo iyada  lafteedu u baahan in uu mudo badan kaga baaraandego Arimo la isu waafaqsanyahey oo dabooli kara in uu marka raali galiyo Siyaasada Dowlada iyadoo, markalabaadna loo amba qaadayo ta Masiirka Shacbiga ee dal iyo dad ahaanba shacbigu aaminasan yahey in Somaliland mar walba ka madax banaanaato Soomaaliya oo  Caalamku aanu inta badan kala Reebin.

Sikastabaha ahaatee waxey Arimaha khuseeya Siyaasada Arimaha Dibada Somaliland, iyo  dhaqdhaqaaqyada aynu mar walba uga baahanahey Dunida Caalamku ku arooreysaa  Dedaalka Wasiirka Arimaha Dibada taas, oo siweyn diirada loogu hayo waxa uu  kusoo kordhiyo halkii ay taagneyd markii hore maadaama uu isagu soo qadimay inuu khibrad iyo aqoon dheeraad ah u leeyahey luuqadaha Diblamaasiyadeed ee Muftaaxa  u noqon kara israatijiyadaha iyo danaha  aynu ka leenahay dunida Caalamka iyo waliba  sida aynu ugu soo jiheyn karno sidoo kale danaha ay inaga leeyihiin iyo  istaraajiyada ay inoogu qabsoomi karaan si aynu uga dhaadhicino qadiyadeena  waxa indhawaale muuqda in aanu jirin dhaqdhaqaaq badan oo Xukuumad ahaan iyoWasiirkaba oo ku jiheysan amabqaadka Siyaasada Arimaha Dibada dalka Somaliland  inkastoo maalmihii u dambeeyay Hargeysa Caasimada Somaliland iyo Magaalooyinka  kale ee dalka Siweyn loo hadal hayay Socdaalkii u horeeyay ee Wasiirka Arimaha Dibada oo ku jiheysnaa Shirkadii Sahaminta Shidaalka ee dalka ka baxdey oo aan  natiijadeeda la haynin iyo Diyaaradii Ethopian Airline oo hada mar kusoo laabatey Garoonka Caasimada Hargeysa ee Diyaaraduhu ka haadaan si ay u qaado rakaabkii tikidhka ka goostey ee halkaa ku xanibnaa balse marka  dhinac walba la iskaga soo ururiyo xaalada taagan iyo falanqaha Dadweynaha  waxey arintu isugu imaneysaa in wali loo dhegtaagayo talaabooyinka Wasiirka  Arimaha Dibada ee Ruug cadaaga ahi  kusoo kordhiyo halkii aynu markii horetaagneyn iyo howlagalada uu kaga midha dhaliyo jabka uu la maagan yahey inuu kuqaado talaabooyin Culus oo keena arimo la taaban karo.


XIGASHO HADHWANAAG

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com