Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

(XOG). Ragga Alshabaab U Qaabilsan Madax-Jabinta Oo La Ogaaday Labada Jaamacad Ay Ka Dhigtaan Muqdisho.

1112(maantasomaliland):-Waxaa isa soo taraya xubnaha ugu firfircoon ururka Al-Shabaab ee u qaabilsan dilalka abaabulan, qaraxyada iyo is miidaaminta inay arday ka yihiin jaamacadaha Muqdisho iyo SIMAD, waxaana warbixintii ugu dambeysay ee ka soo baxda goobahaasi waxbarasho ay sheegeysaa in Jaamacadda SIMAD rag ka tirsan ay ku lug yeesheen dilalka ka dhaca Muqdisho.

Mid ka mid ah maleeshiyaadka ka soo goostay ururka Al-Shabaab ayaa shaaca ka qaaday in nin lagu magacaabo Mohamed Abuukar Zubeer oo bare ka ah Jaamacadda SIMAD uu ka mid yahay saddexda sarkaal ee ugu weyn oo Al-Shabaabka u qaabilsan howlgalada Muqdisho ay ka fuliyaan.

Mohamed Abukar Zubeer ayaa la sheegayaa in Jaamacadda SIMAD laga waayay muddo hal toddobaad ah kaddib, markii ay u yeereen madaxda ugu sareysa ururka Al-Shabaab, waxaana nin magaciisa qariyay oo ka soo goostay kooxda Al-Shabaab uu sheegay in Macallim Mohamed uu ka tirsan ciidamada amniyaadka Axmed Godane ugu qaabilsan Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Macallim Mohamed Abukar Zubeer uu xiriir la leeyahay madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka sida Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Faarax C/qaadir oo iyaguna ka mid ahaa maamulayaashii SIMAD kahor inta aan jaamacad laga dhigin.

Lama oga inta uu la’eg yahay xiriirka ka dhaxeeya Xasan Sheekh, Faarax C/qaadir iyo Macallim Mohamed, hase yeeshee ilo wareedyada la helayo ayaa sheegaya in Macallimka uu ka tirsan yahay ururka Dam-Jadiid kahor inta aanay dalka ka dhalan Dowladda Federaalka.

Dhinaca kale Jaamacadda SIMAD ma aha markii ugu horeysay oo ay ku lug yeelato arrimaha la xariira dembiyada caalamiga ah kaddib markii ururka Al-Shabaab ay la sameysatay xiriir soo bilowday tan iyo markii ay dalka qabsadeen hoggaankii Maxkamadaha Islaamiga ahaa ee burburay, isla markaana si toos ah ugu xiratay ururka Al-Shabaab oo xiriir la leh argagixisada caalamiga ah

Kiiska ku soo baxay Jaamacadda SIMAD ayaa ku soo eegmaya xilli laba kahor nin isku qarxiyay isgoyska KPP ee Degmada Hodon jeebkiisa laga helay Aqoonsga Jaamacadda Muqdisho, taasi oo ka dhigan in jaamacadaha ku yaala magaalada Muqdisho ay xiriir dhow oo wada shaqeyneed ka dhaxeeya ururka Al-Shabaab.
by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com