Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Baarlamaanka Wadanka Kenya Oo U Yeedhay Tilayaha Sirdoonka Dalkaasi Si Wax Looga Waydiiyo Dhacadadii Westgate Mall

use-westgate-shopping-mall_kenya2_main(maantasomaliland):-Taliyaha ugu sareeya Ciidamada Sirdoonka Kenya ayaa wajihi doona su’aalo ay weydiinayaan Baarlamaanka dalkaasi kuwaasi oo la xidhiidha Weeraradii dhawaan ka dhacay Magaalada Nairobi gaar ahaan Suuq Ganacsi oo lagu Magacaabo Westgate Mall.

Sarkaalkani ugu sareeya Ciidanka Sirdoonka Kenya waxa ay Baarlamaanka Kenya su’aalo ka weydiinayaan sida aaney ula socon sirdoonku abaabulka iyo qorsheynta weerarkaasi ay u dajiyeen Al Shabaab.

Xog hoose oo la helay ayaa tilmaameysa ka hor inta aanu Al Shabaab weerarkaasi geysan ay Dukaan ka kireysteen Suuqaasi kaasi oo ay ku keydsadeen Hub iyo saanad badan una sahlay weerarkoodi Westgate Mall.

Khubarada Baadheysa Xarunta Westgate ayaa helay raadadka meelo ka tirsan Suuqa oo Al Shabaabku ay hubkooda ku keydsan Jireen

Taliyaha Sidoonka Dalka Kenya ayaa la filayaa in ay arintani xilkiisa galaafan doonto haddii uu Raad cad ku qancin waayo barlamaanka wadanka..

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/harbi_31@hotmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com