Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Duqa Degmada Gabiley Iyo Cabashooyinka Bulshada Ee Dawlada Hoose Oo Sii Kordhaya. Qormada 1-aad. Fallo: By Maxamed Soodaani

XXX(maantasomaliland):-Masuuliyadu waa Xil Culus oo Saaran Cid kasta oo umadda mansab u qaada waxaanay ubaahantahay Xisaabtan joogta ah in shaqsigu ku sameeyo waxa loo dhiibay inta uu leegyahay iyo sida uu Daacad uga noqon karo fulintiisa.

Bani aadamku wuu Ilawsho badanyahay Masuuliyiinteena Badankooduna waxaad moodaa in Xilka loo dhiibo iyo waxa ay qabtaan ay kala gedisantahay, tusaale ahaan nin doctor ah ayaa loo dhiibay farsamo engineernimo aanu waxba ka aqoon, waa meelaha ugu badan ee Shaqo xumadu ka bilaabanto.

Maamul kasta oo Xil qabtaa Dhaliil wuu yeelan karaa Waxqabad lagu xasuustona wuu yeelan karaa balse dhaliishu waxay isaga u tahay faa,iido iyo in uu daboolo god-daloolooyinkiisa

Dulucday Mawduucayga oo ku saabsan Dawlada hoose ee Gabiley iyo Maayarka Wakhtigan talada haya ayeynu ku eegi doono Dhaliilo baahsan oo dul hoganaya, Cabashooyin joogto iyo ka Been sheegid waxyaabo aanay qaban in ay sheegtaan.

Masuul kasta oo Xilkan qabtaa waxbuu kusoo kordhiyaa Degmada, mana dafiri karno dhamaan masuuliyiintii soo martay Gabiley in haba kala yaraadaane ay wax ku soo kordhiyeen Degmada balse ay jirtay dhaliilo iyo meelo ay u liiteen oo aanay waxba ka qaban.

Maayar Shucayb waxa uu noqday Masuulkii ugu horeeyay ee Dhalinyaro ah oo soo maray Maayarka Degmada kaasi oo dhalinyaradu si wayn usoo dhawaysay Doorashadiisii,laguna hambalyeeyay markii Balanqaadyo badan oo uu Warbaahinta ka sheegay markii la doortay ka dib.

Golaha deegaanka Cusub ee Gabiley waxay u badanyihiin Dhalinyaro kuwaasi oo bulshadu ku dooratay in ay iyagu yihiin mustaqbalkii wadanka, maskax cusub iyo dareen wadaninimo ku dheehantahayna la tagi doonaan dawlada hoose maadaama oo aan la ma hadin golihii ka horeeyay oo ubadnaa dad waawayn dhaqaalaha degmadana uga faa,iidaystay dano gaar ah.

Bulshadu waa Rajo ku nool, kani kan ma dhaamaa ayaa wali lagu jiraa, talaabo Cusub oo ka duwan jidkii kuwii hore ma jeexi doonaan ayaa ku jirta maanka umadda, waxaa tusaale ugu filan bulsho waynta Gobolka Gabiley Maayarka wakhtigan ee matalaya dhalinayrada kale ee golaha kuwaasi oo isagu inagaga filanyahay waxa ay soo wadaan, yaraanta iyo dhalinyarnimadu maaha wax kaa hor istaagi kara waxqabad, kasbasho iyo daacadnimo aad bulshadaada ku hogaamiso, balse kartidu waa Haybad illaahay siiyo bani aadamka, waayo aragnimaduna waxay kabtaa hawl qabashada masuulka.

Waxaa jira Dhaliilo baahsan oo Golaha deegaanka Gabiley iyo Maayar Shucaybka Wakhtigan dul hoganaya kuwaasi oo ubaahan in bulshadu si wacan u aragto iyaguna ah in ay ka waantoobaan oo ay gartaan Masuuliyada saran iyo Xilka ay shacabka u hayaan oo aanay noqon kuwo gacantooda isku gawraca, hadalka Xildhibaanku ku hadlayaa waa in uu noqdaa mid ku munaasib ah kursiga uu ku fadhiyo maayarkuna sidoo kale Maaha in uu ka Been sheego waxqabadkiisa isaga oo iska dhisaya cid kale.

Aniga oo ka Bilaabaya Goobta Dawlada hoose ee Maamulku deganyahay oo ah goob ay si wacan udhistay Maayar Khadra Xaaji Gaydh ayaa waxaa dhawaan warbaahintu ka soo duubeen Dayactir la,aanta ka muuqata Calanka Tawxiidku ku qoranyahay ee Sudhan Xafiiska Maayarka dushiisa, taasi oo ah halka ugu hooseysa ee laga bilaabi karo dhaliisha jira.

La soco qaybaha Danbe Warbixino Cadaymo wata oo Muujinaya Dhaliilaha Baahsan ee Maayarka Gabiley uu dugsanayo..

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/harbi_31@hotmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com