Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Golaha Guurtida Somaliland Oo Su,aalo Ka Waydiiyey Wasiirka Arimaha Gudaha Xaalada Dalka.

u_111947d_2013-9-28-13-56-51f_9(maantasomaliland):-Fadhigii maanta ee golaha guurtida Somaliland uu shir guddominayey guddomiyaha 1aad ee golaha guurtida Somaliland mudane siciid jaamac cali ayey mudanayaashu waxa ka waydiiyeen xaalada guud ee dalka Somaliland wasiirka arimaha gudaha Somaliland mudane cali maxamed waran cade oo ay weheliyaan taliyaha ciidanka booliska Somaliland sareeyo guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan iyo Taliyaha Ciidanka Laanta Socdaalka Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Cali Yuusuf. Waxa  uu wasiirku sheegay  inuu madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud siilaanyo u igmaday wasaarada arimaha gudaha Somaliland taas usheegay wasiirku

in ay tahay wasaarada balaadhan oo ay hoos yimadaan qaybo faro badan oo dawlada ka mid ah ayaa waxa uu yidhi,,waxa wasaarada arimaha gudaha oo ah wasaarada balaadhan hoos yimaada badhasaabada gobolada dalka,ciidanka booliska,ciidanka xeebaha,maayarada gobolada waxa kale uu sheegay wasiirku in ay wasaarada arimaha gudaha Somaliland uxilsaarantahay amaanka dalka oo dhan iyo horumarintiisa.

Waxa kale uu ka hadlay amniga wadanka kaas uu ku tilmayey inuu marayo halkuu ugu wanaagsanayd waxaanu yidhi??wadanka amnigiisu aad ayaa u wanaagsan yahay waan U suganyahay dalka nabadiisu marka laga reebo mooyaane waxayaabo yar yar oo sida caadiga ah udhaca mooyaane oo runtii aan halkan ka jecelahay inaan ka sheego kuwaas oo ah arin inugu cusub oo ku soo biirtay dunuubta wadanka ka dhaca taas oon ilaa hada la yaabanay arintaas waxa weeye dhaqankii wanaagsanaa am dhaqankii diinteena waa ay ka hor imanaysaa.

Waxa kale uu sheegay in barigii hore ee la ahaa reer guuraaga ay dhalinyaradu ay ku kulmi jireen dhaanka marka uu reerka usoo dhaamiyaan iyaga oo kasoo dhaamin jiray meel aad ufog,markaan imika inaga waxa inagu batay arin inagu ugub ah oo la yidhaa kufsi waxaana uu yidhi??waxa uu wasiirku sheegay in shalay loo keenay 8 kufsi oo ka dhacay dalka oo dhan inta kufsiga loo gaysanayana waxa weeyaan ilaa 10 jirka iyo waxii ka wayn,arinta kufsigu waa arin inagu soo badatay oo ubaahan in la iska kaashado oo gacan bir ah lagu qabto dadkaas ku kacay kufsiga,lagaga hortago si wada jir ah oo aynu gaadhsiino dadka waxayabahaas ku kacaya ilaa dil in la gaadhsiiyo dadka ku kaca kufsiga sida uu sharcigu dhigayo ayaanu qabnaa oo aanu hada wadnaa.

Wasiirku isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in dadka ku kaca kufsiga ee ay ka kow yihii dhalinyarada in ay ka waan toobaan kufsiga  waxa kale uu sheegay in dhalinyaradu haday ka waantoobi waydo ay la kulmi karaan cawaaqib xumo, maanta laga bilaabo ilaa in aanu gaadhsiino qofka ku kaca kufsi in la dili doono wasiirka waxa kale uu sheegay in uu sharcigu ogol yahay in la dili qofka kufsi sameeya.

 

Wasiirka waxa kale oo uu carabka ku dhuftay in ay jiraan inamo badan oo ku kacay kufsi oo hada la xukumay kuna jira jeelalka dalka waxa kale u soo jeediyey waalidiinta in ay ubadkooda kaan taroolaan.

Wasiirka wasaarada arimaha gudaha Somaliland mudane cali maxamed warabn cade waxa kale uu sheegay in wadanka laga wado qorshe ah in la gaadhsiiyo gobolada uu ku yar yahay maamulku ee dhanka bari waxaana uu yidhi??waxaanu wadnaa horumar fara badan oo ay ka mid yihii inaanu ku balaadhino meesha uu ka taagta daran yahay maamulku oo ubadan dhinac bariga oo runtii ugu talo galnay dhaqaale badan in lagu gaadhsiiyo gobolada bariga ee maamulku daciifka ku yahay.

Waxa kale uu sheegay dhinaca horumarka waxaanu wadnaa isbedal dhica caasimadaha magaalooyinka ah in laga shaqeeyo bilicdooda oo la qurxiyo oo la hagaajiy oo aan anigu qabo runtii markaad magaalooyinka dhexe marto oon aad arkayso laamiyadii  oo ay fuuleen camuud badan markaas waxaanu ku talo jirnaa inaan wadanka horumar balaadhan oo la taaban karo ka bilaabno.

Intaasi ka dib waxa ay xildhaanadu waydiiyeen su,aalo  kala duwan oo la xidhiidha shaqaaqadii ka dhacday qoru lugud iyo buuhoodle waxaana uu yidhi waasiirku???waa su,aal wanaagsan qoru lugud iyo buuhoodle waynu ognahay wixii ka dhacay arintaasi nabada galiyo la samayey oo ku meel gaadha ah ayey ahayd lakiin imika in gacanta lamariyo ayaa lagu talo jiraa intii hore waxa ka danbeyey in geel la kala qaaday oo reer qoru lugud ay soo qaadeen geel.

Waxa kale uu sheegay in ay arintaas ay ka hawl galeen ciidamana  lagu saaray  sidii ay usoo qaban lahayeen reer qorilugud  oo dhaca geel kana dhacay reer buhoodle.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/harbi_31@hotmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com