Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa markii u horeysay jawaab ka bixiyay dhaliilaha iyo naqdigii ay siyaasiyiinta mucaaridku ka faafinayeen maalmihii la soo dhaafay xeerka takaaliifta horumarinta waddooyinka.

Wasiir-Xirsi-300x225(maantasomaliland):-Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa markii u horeysay jawaab ka bixiyay dhaliilaha iyo naqdigii ay siyaasiyiinta mucaaridku ka faafinayeen maalmihii la soo dhaafay xeerka takaaliifta horumarinta waddooyinka.

Wasiir Xirsi waxa uu sheegay in mucaaridku markii ay waayeen wax ay ku mucaaridaan ay isu bedeleen inay ka ba’aan horumarka dalka, waxaanu sidaasi ka sheegay xaflad balaadhan oo xisbiga KULMIYE Huteelka Maansoor ee magaaladda Berbera maanta ugu sameeyay Duqa Magaaladda Berbera C/Shakuur Maxamuud Xasan (Cidin) iyo C/Rashiid Xaaaji Maxamed Yuusuf oo ka mid ah Golaha deegaanka Berbera oo ku biiray KULMIYE ka dib markii ay ka digo rogteen xisbiga UCID oo ay labaduba hore uga tirsanaayeen, lagana soo doortay.

Wasiirka Madaxtooyadda Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka hadlay xafladaasi waxa uu sheegay in labadan xubnood ay ku qanceen inay wax la qabsadaan xukuumadda Somaliland iyo xisbiga tallada haya ee KULMIYE, waxaanu yidhi “Waxaan jecelahay inaan kalmad ka idhaahdo sababta ku kaliftay C/Shakuur iyo C/Rashiid si wanaagsan baanu ula shaqeynay oo waxay arkeen in mucaaridnimaddii noqotay xaasidnimo, yaan waddooyin la samayn oo yaan madaarro la samayn. Dadkii mucaaridka ahaa markii ay wax ay ku mucaarideen waayeen ay ka ba’yaan horumarkii dalka.”

Wasiirka oo daba socday siyaasiyiintii mucaaridka ee xeerka takaaliifta horumarinta waddooyinka caaridayay, waxa uu yidhi “Waxa muuqatay oo cadayd maalmihii dhawayd ee la ansixinayay xeerka takaaliifta horumarinta waddooyinka in qaar badan oo mucaaridka ahi isku dayeen inay ka horyimaadaan xeerka, bulshaddana ay si khaldan ugu sawireen. Waxaanu leenahay xeerkan waddooyinka ayaa lagu samaynayaa, qofka waddooyinka ku mucaaridaya ee la dagaalamayaa ee beenta sheegaya ee leh xoolo ayaa la boobayaa, isaga ayay qalbigiisa ku jirtaa inuu xoolo boobaa. Isaga ayay aragtidiisu tahay inuu dadka dhacaa.”

“Laakiinse waxayagu xukuumad ahaan way cad yihiin oo waxa idiin markhaati ah, isha ayaa markhaati ah. Wadada Hargeysa iyo Berbera isku xidha maanta bal mara waxay maraysaa Dacar Budhuq hagaajinteedii iyo samayntii laga waday.haddii aanu nabad qabnana Berbera ayaanu ku keenaynaa,”ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyaddu.

“Nalaguma yaqaano meel aanu dhagax dhignee, kuwa cayda ka dhigaya horumarkii waddanka ee leh dhagaxyo ayaa meel la dhigay. Wadada Ceerigaabo oo samaysan ayaydun arki doontaan ayaan leenahay,”ayuu yidhi Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/harbi_31@hotmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com