Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Mudaaharaad Rabshad Watay Oo Ka Dhacay Suuqa weyn Ee Degmada Laascaanood

warkii-ugu-dambeeyayLaascaanood((maantasomaliland):-Suuqa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxaa shalay ka dhacay banaan-bax rabshado watay oo ka dhan ah ganacsatada kasoo jeedda gobollada Koonfurta ee Soomaaliya. Booliiska magaalada Laascaanood ayaa isku dayaya sidii ay uga hortegi lahaayeen mowjado dad ah oo isugu jira dumar iyo caruur, kuwaasoo duullaan ku ah ganacsatada kasoo jeedda gobollada Bay iyo Bakool ee meheradaha kala duwan ku haysta suuqa ugu weyn Laascaanood. Ganacsatada ay dadka cadhaysani shalay weerareen ayaa waxyaabaha lagu eedeeyey waxaa kamid ah: in meheradaha ganacstada deegaanku ku shaqeystaan ay ku dul kireystaan, kaddib marka ay mulkiileyaasha iska leh lacago badan u sheegaan iyo weliba in badeecooyinka ay ku iibiyaan qiime aad u jaban. C/qaadir Jaamac Saalax oo ah duqa magaalada Laascaanood ayaa isagoo dhacdadan ka hadlaya wuxuu ku tilmaamay qalad, isagoo sheegay im maamulka degmadana ay mas’uuliyadi ka saaran tahay sidii ay wax uga qaban lahaayeen. Ganacsatada kasoo jeeda gobollada Bay iyo Bakool oo qaarkood ay muddo dheer degenaayeen magaalada Laascaanood, ayaa waxay ka ganacsadaan dharka iyo bagaashka, iyagoo inta badan ka qiima jaban kuwa deegaanka, waxaanay dhowaan bilaabeen inay meherado waaweyn ka sameeyaan jidadka muhiimka ah halkii ay awal wadhato ka ahaayeen suuqa Laascaanood. Suuqa ayaa laga maqlayay rasaas teel-teel ah oo ay ciidamada boolisku xilliyo gaar ah ridayeen si ay u kala eryaan boqollaal dad ah oo cadheysnaa. Lama saadaalin karo halka ay arrintani sal-dhigi doonto , iyadoo dhowr jeer oo hore ay boolisku baajiyeen falal noocan oo kale ah oo degmadaas ka dhici lahaa.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/harbi_31@hotmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com