Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xukuumadda Somaliland ayaa Amar ku bixisay sanadkan in Garoomo lagu ciyaaro kubadda laga dhiso dhamaan goboladda Dalka si looga baxo Garoomo la’aanta ka jirta, waxaanu Madaxweyne Siilaanyo sidaas faray Wasiiro ka tirsan Xukuumaddiisa.

siilaanyo4_thumbnail(MSL)Xukuumadda Somaliland ayaa Amar ku bixisay sanadkan in Garoomo lagu ciyaaro kubadda laga dhiso dhamaan goboladda Dalka si looga baxo Garoomo la’aanta ka jirta, waxaanu Madaxweyne Siilaanyo sidaas faray Wasiiro ka tirsan Xukuumaddiisa.

“Waa in magaalooyinka waaweyn laga dhisaa Garoomo Ciyaareed, iyadoo Dhulka laga dhisayana ay ka wada hawl gali doonaan helistiisa Wasiirka wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaaraha iyo dalxiiska, Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasiirka wasaaradda Hawlaha Guud, Guryaynta iyo Gaadiidka Guddoomiyayaasha Golayaasha Deegaanka iyo cidii loo baahdo.”

Amarka Madaxweyne Siilaanyo uu soo saaray oo ku Cad Siyaasadda uu ku hagi doono sanadkan Dakhliga Dalka ka soo baxa ayaa wax wayn ka tari doonta baahida loo qabo Garoomada lagu ciyaaro oo dhalinyarada dhibaatao wayn ku haysay.

Qorshaha Madaxweyne Siilaanyo ayaa ka dhashay kadib markii sanadkan xukuumaddiisa dhibaato baaxad lahayd  kala kulantay Ciyaarihii Goboladda oo u baaqaday Rabshado ka dhacay Degmadda Axmed dhagax oo uu ku yaaloa garoonka kali ah ee Dalka ugu weyn ee Hargeysa Stadium, kaasoo ay Xukuumaddu tahli kari wayday in ay ku qabato wakhtigii Ciyaaraha loogu talo galay iyagoo dib uga dhacay Muddo badan.

Garoonka Hargeysa Stadium oo muddo hore la dhisay ayay Xukuumaddu xilligan u aragtay in aanu kalidii An-facayn Dalka, sidaas daraadeedna waxa ay Xukuumaddu ku Hanbaabirtay sida ay Muhiim u tahay in la helo kuwo dhigiisa ah oo Goboladda oo dhan laga hirgaliyo si looga baxo Caqabad kale oo la soo darista sanad ciyaareedka 2014-ka

xuseen xarbi
maantasomaliland.COM
hargaysa/office
email/harbi_31@hotmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com