Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweyne Siilaanyo Oo Saaka Shahaadooyin Guddoonsiiyay 744 Arday Oo Ka Qalin Jabiyay Kuliyadaha Kala Duwan Ee Jaamacadda Hargeysa

siilan_jam2(maantasomaliland):-)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) Madaxweyne Siilaanyo Oo Saaka Shahaadooyin Guddoonsiiyay 744 Arday Oo Ka Qalin Jabiyay Kuliyadaha Kala Duwan Ee Jaamacadda Hargeysa, la qaatay Farxada Qalinjebintii Dufcadii 10-aad ee ka baxday.

Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu ardayda ku hambalyey guusha ay ka gaadheen mudadii ay wax soo baranayeen sidoo kale madaxweynuhu waxa uu ardayda ku dhiirigeliyey in aanay halkaasi kaga hadhin aqoontooda ee ay sii wataan oo ay ogsoonaadaan inay yihiin musqablakii beri dalkan xukumi lahaa ee uu sugaayey tirada ardaydan maanta baxday oo dhamayd 744 qof.

 

Gudoomiyaha jaamacadda Hargeisa oo ugu horayn munaasabadaasi ka hadlay ayaa ka waramay qiimaha ay ku fadhido ahmiyad siinta aqoonta iyo Barashada Cilmigu iyo tirada ardayda halkaasi ka qalin jabisay waxaanu tilmaamay in dadka waxbartay looga baahanyahay inay abuuraan Mashaariic dhaqaale oo waddanka lagu horumarinayo waxaana uu yidhi “hadafka ugu weyn waxay ahayd inaad qaadateen aqoon dhaqaale oo ilaa Degree gaadhiisan, laakiinse waxa loo baahanyahay inaad ogaataan inay aqoontu dhamaan “ aqoontu bar bilow bay leedahay ee malaha bar dhamaad”.

Waxa kale oo uu sheegay in dufcadani tahay tii tobnaad, Dufcadii 10-aad ee ka qalin jebisa jaamacadan oo dhan 744, arday oo qaatay shahaadada kala duwan

Waxaanu intaasi ku daray “markaa waa waxaan idin kula dardaarmayaa inaad halkaa ka soo wadaan barashada aqoonta oo ay daan ka hadhin.

Madaxweynaha Somaliland oo xafladaasi ka hadlay waxa uu yidhi “Guddoomiyaha Jaamacadda HARGEISA iyo shaqaalaha la shaqeeya, ardayda jaamacadan ka qalin-jabisay dhammaantiin aad iyo aad ayaan idiin salaamayaa, hambalyo aad iyo aad u balaadhanna waan idiin dirayaa. Waxaanan hambalyo aad iyo aad u balaadhan u soo jeedinayaa ardaydan ka qalin-jabisay jaamacadda HARGEISA.”

“Hawshan qalin jabinta ee halkan ka dhacday waa wax aad iyo aad u weyn. Dawladda waxay u tahay magac, maamuus iyo sharaf in jaamacadaha noocan oo kale ahi dalka ka hirgalaan. Ardaydan jaamacadaha ka qalin-jabinayaana waa kuwa dalku u baahan yahay. Waana Hoggaamiyeyaasha mustaqbalka ee dalka iyo dadka Hoggaamin doona Inshaalaahu Tacaalaa,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay inuu aad iyo aad ugu faraxsan yahay isla markaana ku faano qaranku ardayda wax ka barata jaamacadaha dalka, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Aad iyo aad ayaanu idiinku faraxsan nahay oo idiinku faanaynaa. Waxaanad noqon doontaan Inshaalaahu kuwa dalka iyo dadkaba anfaca. Aqoontan aad barateenna dalka iyo dadkuba way idiin baahan yihiin. Kolba heerka aqoonta dhalinyaradda dalku gaadho ayaa horumarka dalkeenuna noqonayaa.”

“Waxaynu u baahan nahay dal xasiloon, dal tacliintu sarrayso, waxaynu u baahan nahay dal aqoonta isku dira. Waxa kale oo aynu u baahan nahay dad horumarka , nabad-gelyadda iyo wada jirka ka shaqeeya.

Wasiirka Wasaaradda waxbarashada iyo tackliinta sare Samsam Cabdi Aadan,oo halkaa ka hadashay ayaa sheegay in jaamacadda Hargeisa tahay jaamacadaha muhiimka ah ee dalku leeyahay waxaanu bogaadiyay ardayda qalin-jabisay oo ay  kula dar-daarantay  inay dalkooda u shaqeeyaan oo aqoontii ay barteen uga faa’iideeyaan.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/harbi_31@hotmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com