Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa dhaqan geliyay Digreeto uu ku soo saaray siayaasadda miisaaniyadda sanadka 2014-ka taasoo uu ku dhaafay dhamaan Cashuurihii laga qaadi jiray Riigagga, Caga cagafyada, Laashashka Kalluumaysiga iyo qalabkooda oo dhan.

 

1003218_705229842824554_207843747_nHargeysa((maantasomaliland):- ) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa dhaqan geliyay Digreeto uu ku soo saaray siayaasadda miisaaniyadda sanadka 2014-ka taasoo uu ku dhaafay dhamaan Cashuurihii laga qaadi jiray Riigagga, Caga cagafyada, Laashashka Kalluumaysiga iyo qalabkooda oo dhan.

Talaabada ay qaaday Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa ay ku tilmaantay siyaasadd Miisaaniyadeedka 2014 in ay tahay dhiirigelin lagu dhiiri galinayo sidii kor loogu qaadi lahaa Wax-soo-saarka dalka, iyadoo Lacag aad u badan laga qaadi jiray qalabkan oo dhan.

“Si loo dhiirigaliyo wax-soo saarka Dalka, waa in sanadka 2014-ka cashuurta soo dajinta dhamaan laga dhaafaa Riigagga wax lagu qodo, Caga cagafyada, Laashashka Kalluumaysiga, Shabaagta lagu Kalluumaysto iyo Gaasta wax lagu karsado. Sidoo kale, waa in wasaaradda Maaliyaddu dib-u-eegis ku samaysaa qiimaha badeecadaha dalkeena ka soo baxa ama kuwa wershadaheenu soo saaraan.”

Sidaas waxa lagu cadeeyay siyaasadd miisaaniyadeedka 2014 oo uu Madaxweyne Siilaanyo dhaqan geliyay 25/09/2013, isla markaana lagu jaan-gooyay Miisaaniyadda 2014-ka oo Lifaaq ahaan loo raaciyay  oo Miisaaniyadda hor taala Golaha Wakiiladda Somaliland.

Sidoo kale, madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu soo jeediyay in la xoojiyo xidhiidhka Ganacsi ee Dalalka jaarka ah “ waa in la xoojiyo xidhiidhka Ganacsi iyo dhaqaale ee dalalka jaarka ah” ayuu ku yidhi siyaasadda miisaaniyadda sanadkan oo Golaha Wakiiladda hortaala.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/harbi_31@hotmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com