Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Dalkan Casaabad Baa Gacanta Ku Haysa, Waxana Aanu U Sheegaynaa Inaanay Annaga Casaabadi Na Xukumi Karine Nin Kastaaba Waxa Uu Doono Ku Kici Doono Oo Wax La Iska Celin Doono”..ENG. Faysla Cali Waraabe

Eng.-FaysalCali-Waraabe-Boorama-2(maantasomaliland):-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa eedo Culus Dusha ka saaray
Hab-dhaqanka Xukuumadda uu Gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Siilaanyo, waxana uu jawaab ka bixiyey Qaabkii loogala dhaqmay Munaasibaddii qalinjabinta jaamacadda Hargeysa ee Shalay.

Eng. Faysal Cali waraabe oo ka waramaya dhacdadii jaamacadda Hargeysa ee shalay ku tilmaamay mid baalmarsan Hannaanka maamulka toolmoon ee looga baahan yahay in loo maamulo munaasibadaha noocan oo kale ah, “ Jaamacaddu ilaa iyo maalintii la furay waxa ay ugu nidaam xumayd maalintii shalay, dufcaddinina waxa ay ahayd dufcaddi Tobnaad, markii aan soo galayna waxan fadhiistay xagga dambe, mana jirin Hab-nidaamsan oo dadka loogu talo galay in loo fadhiisiyo meel la ii banneeyeyna ma jirin, waxana iga dambeeyey Muuse Biixi waxana la fadhiisiyey meeshi nidaam ahaan loogu talo galay Madaxda.” Ayuu yidhi Eng. Faysal Caliwaraabe.

Waxa uu Guddoomiye Faysal sheegay in dhacdada jaamacadda Hargeysa maalintii shalay ka dhacday ay caddaynayso in taladii qaranku meel kale martay oo ka baydhay meeshii loogu talo galay, waxana uu yidhi, “Jaamacadda waxa ka dhacay waxay caddaynaysaa in dadkii talada waddanka leexsaday ay jaamacadda gacanta la galeen.”

Guddoomiye Faysal waxa uu xusay in markii lagu soo marti qaadayey imaanshiyaha Jaamacadda loo sheegay inay axsaabta mucaaradku kelmaddooda ku leeyihiin, balse uu Guddoomiyaha Jaamacaddu meel kale wax u leexiyey, isagoo sababtana ku sheegay in la diiddan yahay in la soo bandhigo dhaliilaha ka jira waxbarashada Somaliland, waxana uu yidhi,“Board-ka Jaamacadda xukumaa wuu nagu daray maalintii shalay(dorraad) in hadal nala siiyo, laakiin Meel dhexe ayaa laga jaray oo ninka Jaamacada Xukuma ayaa naga jaray, sababtuna waxa la diidayaa inaanu Hadalno oo ka hadalno dhibka ka taagan jaamacadda iyo mudaharaadka dhallinyaradu sameeyaan, waxa la diidan yahay inaanu ka hadalno tayoxumada iskuulada dawladdu gacanta ku hayso, musuqmaasuqa lagu sameeyo deeqaha waxbarasho ee aynu helno, waxa la diidayaa inaanu ka hadalno in lacagta ugu badan ee caalamku waxbarasho inoo siiyo la musuqmaasuqo oo macallimiinta la gunnaynayo eex lagu gunneeyo”

Eng. Faysal, waxa uu sheegay in meel lagaga dhacay oo la majaro Habaabiyey xaqii ay u lahaayeen inay ardayda qalin jabisay tahniyadeeyaan, ““Xuquuqdii aanu aanu muwaadin ahaan, siyaasi ahaan, xisbi ahaan iyo Oday ahaanba ku lahayn inaanu Ardaydayada Tahniyadeyno nalama siinin oo waa la duudsiyey, waana wax ku cusub dalka in la yidhaahdo yaan mucaaradku hadlin.” Ayuu yidhi faysal cali waraabe.

Faysal Cali waraabe waxa uu tilmaamay inay madaxweynaha si walba ugu sheegeen inuu la tashada waxgaradka dalka oo xaaladda wadanka meel la isla dhigo, taasna ay kala quusteen, waxana uu yidhi, “laba bilood baanu madaxweynaha la daba soconay in wax khaldan la saxo oo shir la iskugu yimaaddo, maadaama xaaladdo badan oo doorashooyin iyo waxyaabo kale isku jiraa taagan yihiin, waxana uu ku jawaabay inuu xaaladdii taagnayd ka cararo oo Annagii dadkii nagu diro oo naga dhigo dad dhulka xumaynaya”

Faysal oo Hadalkiisa sii wata ayaa yidhi, “Haddii sharaftii iyo dawladnimadii aanu ku wada hadlaynay, Maalin baa iman doonta isagoo kaabbo-qabiil ah oo Ergadii reerkooda ka socda in miiska la iskugu iman doono”

Eng. Faysal waxa uu sheegay inay maanta taagan tahay xaaladdii lagula dagaalamay Maxamed Siyaad Barre, waxana uu yidhi, “Waxan Maanta Socdaa waxa weeye wixii aynu maxamed Siyaad Barre kula dagaallanay ee Ahayd Boob Qaran, musuqmaasuq, qabyaalad, Eex iyo Cago-juglayn maanta lagu daray”

Faysal waxa uu ku hanjabay inaan loo sii dulqaadan Karin xaaladdan dalka lagu wado oo loo baahan yahay in laga hortago Hannaanka Maamul ee dalka, waxana uu yidhi, “waxan dalka ka socdaa waxa Madaxweyne Siilaanyo ka suurto gasha ma aha, waana la yaqaannaa siilaanyo ilaa xilligii afweyne iyo halgankii, waxanina fartiisii ma aha, dalkana casaabad baa gacanta ku haysa, waxana aanu u sheegaynaa inaanay annaga casaabadi na xukumi karine nin kastaaba waxa uu doono ku kici doono oo wax la iska celin doono”

Eng. Faysal waxa uu tilmaamay in ragga maanta hoggaanka dalka hayaa yihiin qaar waddanka dagaallo sokeeye ka riday, oo haatanna wax waliba ka suuroobaan, “Raggan maanta dawaladda ku jiraa waa raggii 1995-kii dagaalka sokeeye Burco ka bilaabay baa ku jira, raggii 1991-kii dagaalada Sokeeye ayaa ka buuxa, waxana maanta aan ka warwarsanahay inay qalalaase ina geliyaa, taanna waxa masuul ka noqonaya Madaxweyne Siilaanyo, Annaga in ciyaal yar yar la yidhaahdo ku kaaja oo sidaad doontaa ka yeella dalka ka yeelli mayno haddii afxumada la joojin waayana waxbaa la iska celin doonaa” ayuu yidhi Faysal cali waraabe.

Ugu dambayntii waxa uu Faysal Cali waraabe sheegay inay xisbi ahaan warqad codsi ah u direen Hay’addo Caalami ah oo ay kaga codsadeen in baadhitaanno lagu sameeyo wasiirro uu sheegay inay hanti badan dalka ka lunsadeen, waxana uu yidhi, “waxanu Warqad u dirnay Hay’adda Inernarional Transparency Agency, waxana aanu doonaynaa in dalka la keeno baadhayaal caalami ah oo ragga maanta dawladda ku jira ee lacagta boobay, waxana aanu doonaynaa in ninkasta halka lacagtu u taallo la helo ragga iyagoo qaawan oo aan waxba haysan inoo yimi ee lacagta buuxsaday.”

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/harbi_31@hotmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com