Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Oo Magacaabay Degmo Cusub oo Lagu Soo Kordhiyay G/Sanaag

siilanyo madax(maantasomaliland):-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta digreeto ku magacaabay degmo cusub oo uu ka dhigay degmadda Awr-boogays ee gobolka Sanaag.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyadda Md. Axmed Saleebaan Duxul, waxaanu u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed
Maxamuud (Silaanyo) waxa uu xeer Madaxweyne oo sumadiisu tahay
JSL/M/XERM/249-2096/102013 uu degmo ugu magacaabay Awr-
boogays oo ka tirsan Gobolka Sanaag.

Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay:Qodobka 109aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

Markuu Arkay:Qodobka 10aad ee Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka oo tilmaamaya wax-ka-bedelidda Qaab-dhismeedka Dalka.

Markuu Tix-geliyey:Codsiyada ka yimid Madax-dhaqameedyada Waxgaradka, Culimada iyo Odayaasha Deegaanka.

Markuu Tix-geliyey:Baahida loo qabo in Degmada Awr-boogays loo magacaabo Degmo cusub.

Markuu Dhegeystay:Soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha;

Wuxuu go’aansaday

In uu Awr-boogays u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Sanaag.”

Somaliland.Org/Hargeysa

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/harbi_31@hotmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com