Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweyne Siilaanyo oo u Kicitimay Turkiga, Bayaamiyayna Ujeedooyinka socdaalkiisa

Siilaanyo(maantasomaliland):-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay in jiritaanka Somaliland ay tahay mid muqadas ah haddii ay Soomaaliya wada hadlaan iyo haddii kaleba.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu sidaasi ka sheegay maanta oo uu ka dhoofayay madaarka Hargeysa isaga iyo wefti Wasiirro ah oo socdaal shaqo ugu kicitimay dalka Turkiga, ka dib marti-qaad rasmi ah oo ay ka heleen dawladda dalkaas.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Dalka Turkiga ay ka wada hadli doonaan qodobo khuseeya wax wada qabsiga labada dale e Somaliland iyo Turkiga.

“Insha Allaahu tacaala waxa aanu rajaynaynaa in aanu halkaasi kala kulano soo dhawayn wanaagsan iyo martiqaad wanaagsan iyo wixii daneheena ah ee ay maslaxadi inoogu wada jirto in aanu ka wada hadalno ayaan ka rajaynayaa,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxaanu intaas ku ladhay “Wadankaas waxa innaga wada dhexeeya dano taariikhiya, mucaawimooyin badan ayaynu ka helnaa waxyaalo badan oo ay ka mid yihiin macdan baadhis ayaa ka mid ah waana waxyaalaha aanu ka soo wada hadli doono insha allaa.”

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay in Somaliland jiritaankeedu muqadas yahay haddii Soomaaliya ay wada hadallo yeeshaan iyo haddii kaleba, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa kale oo aan doonayaa in aan halkan ka cadeeyo hadalo had iyo jeer ka soo yeedha Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya taas oo uu ku tilmaamo in wada hadalo na dhex mari-doonaan oo aanu nahay dal kala maqan oo isu soo noqon doona.

Waxa aan rabaa in aan halkan ka cadeeyo oo aanan marnaba ka xiiqayn in aanu cadayno haddii la wada hadlo iyo haddii aan la wada hadalba inay Somaliland tahay dal madaxbanaan oo aan madax-banaanidiisa marnaba laga noqonayn oo aan caadifad ku dhisnayn ee ay tahay mid ummaddeeda iyo dadkeedu ku tashatay wixii soo marayna ay ogaayeen oo ay tahay mid muqadas ah gooni isu taaga Somaliland.”

Wixii wada hadal ah iyo wixii masaalax ah iyo wixii is afgarad ah waxa allaale wax aanu ka qabnaa ma jirto laakin maaha mid aanu marnaba uga tanaasulayno in aanu marwalbana cadayno in aanay arrintaasi caadifad ku dhisnayn.

“Insha Allaa waxa aanu rajaynaynaa in aanu safarkan guul kala soo noqono, waayo waa dal wax badan oo wanaagsani naga dhexeeyaan waa dal ay taariikhi innaga dhaxayso oo wax wada qabsi inaga dhexeeyo waxa aanu rajaynaynaa in wax wanaagsan oo labada dalba u wanaagsan aanu ku soo wada hadalno ayaanu rajaynaynaa,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/harbi_31@hotmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com