Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiiradda Arrimaha Dibadda Somalia oo loogu soo dhaweeyay Dalka Canada

Fowzia_Fowzia-424x300(maantasomaliland):-ku-xigeenka ahna wasiiradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo wafdi ay hoggaaminayso ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Ottawa ee dalka Canada shalay oo ahayd 30-kii  bishii September ee aynu soo dhaafnay.

Wafdiga wasiiradda ayaa waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya, Yussur Abraar iyo saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya,

fowziaFowzia3Fowzia1Booqashada wasiiraddu ay ku tagtay dalka Canada ayaa waxay qaadanysaa saddex maalmood, iyadoo lagu wado inay maanta oo Salaasa ah ay kulan la qaadato wasiirka arrimaha dibadda Canada iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalooyinka Toronto iyo Ottawa.

Fowziyo ayaa waxay noqonaysaa mas’uulkii ugu darrajada sarreeyay oo ka socda dowladda Soomaaliya oo gaara dalka Canada tan iyo markii uu dalku ka baxay xilligii KMG ahaa sannadkii hore.

Wasiiradda ayaa waxay ka mid ahay wafdigii uu horkacayay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ee toddobaadyadii lasoo dhaafay ku marayya booqashooyin dalal ku yaalla Yurub iyo Mareykanka

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/harbi_31@hotmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com