Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wakaaladda Biyaha Hargeysa Oo Kordhisay Qiimihii Ay Biyaha Siin-jirtey Xili Duruufo Biyo Yaraaneed Ay La Il-Daran Yihiin Bulshadda Caasimaddu

nn(maantasomaliland):-Wakaaladda Biyaha ee Magaaladda Hargeysa ayaa si kadis ah shalay lacagtii ay ka qaadi jirtey Booyahadaha xarunteeda ka dhaamiyey ee biyaha gaadhsiiya Xaafadaha dacalada Caasimadda dalka ugu kordhisay.

Go’aankan lacagtii laga qaadi jiray Booyadahaas lagu kordhiyey oo si kadis ah uga soo baxay Maamulka Wakaaladda Biyaha Hargeysa ayaa culays badan ku noqonaya gaadiidlaydaas iyo bulshadda ay biyaha gaadhsiiyaan oo iyaga culayska ugu badani fuuli doono, isla markaana sida ay Haatuf u sheegeen xubno ka mid ah Dirawalada gaadiidkaas oo ka cudurdaartay in magacooda la shaaciyo tilmaamay inay iyaguna dadka rayidka ah ee ay biyaha ka iibiyaan dulsaari doonaan oo ay ku kordhin doonaan qiimihii ay markii hore ka siin jireen maadaama oo Wakaaladdu Biyihii ku qaaliyeysay.

Sidoo kale baabuurka Booyadda Ah ee 60-ka foosto qaada oo markii hore Wakaaladda Biyaha Hargeysa ay ka qaadi jirtay 120,000 Shiling Somaliland ah ayaa waxa ku kordhaya 60,000, taas oo ka dhigan in halkii Foosto oo markii hore laga qaadi jiray 2,000 Shiling Somaliland lagu kordhiyey Kun Shiling, taas oo qadarka lacagta laga qaadi doono imika wixii ka danbeeya ka dhigi doonta 180, 000 lacagta dalka ah, Taas oo hadii korodhka lacagta biyaha lagu kordhiyey marka lagu qiyaaso Cabirka biyaha ka dhigaysa in Halkii Miter Kuyuub oo hore qiimihiisu ahaa 10,000 Shiling imika noqon doona 15,000 Shiling S/land ah.

Dhinaca kale si aanu go’aankaas qiimaha biyaha lagu kordhiyey xog dheeraad ah uga helno ayaa waxaanu xalay Khadka Telefoonka kula xidhiidhnay Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md Ibraahim Siyaad Yoonis, kaas oo aanu wax kaga waydiinay waxa ka jira lacagtaas la sheegay inay kordhiyeen, balse Maareeye Ibraahim aya isagu dhiniciisa ka cudur-daartay inuu go’aankaas ka soo baxay Xafiiskiisa wax tafaasiil ah naga siiyo.

Xigasho: Haatuf

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com