Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Oo Guddi u magacaabay Qaadhaan u Ururinta Jidka Isku Xidhaya Burco Iyo Ceerigaabo

Siilaanyo(maantasomaliland):-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa magacaabay Guddi balaadhan oo heer qaran ah oo ka shaqayn doonta qaadhaan u ururinta jidka isku xidha Burco iyo Ceerigaabo.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu maanta soo saaray afhayeenka madaxtooyadda Md. Axmed Saleebaan Dhuxul, waxaanu u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mundane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu Guddi qaadhaan Ururin ah u magacaabay dhismaha Waddada Ceerigaab.
Madaxweynuhu :-
Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada (Gudoomiyaha Guddida )

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda

Duqa Degmada Ceerigaabo

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac)

Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan

Xildhibaan Cali Oobsiiye Diiriye (Cali Gabiley)

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro)

Mudane, Maxamuud Aadan Dheri

Mudane, Jaamac Saalax Maxamed

Marwo, Ilhaan Maxamed Jaamac

Marwo, Sacdiya Muuse Axmed

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Sida aad la socotaan, waxa ay xukuumaddu ku hawlan-tahay horumarinta Dalka, gaar ahaan dhinacyada kala duwan ee adeegga bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Haddaba, waxa socda ollolaha wadada Ceerigaabo oo aan dhawaan dhagax-dhigay, wadadaas oo Dalka u leh muhiimad weyn, wax-weyna ka taraysa dhinacyada kala duwan ee nabadgelyada, dhaqaalaha iyo isku xidhka Dalka.

Sidaas darteed, Mudanayaal iyo Marwooyin, waxa aan idiin magacaabay Guddida Qaadhaan Ururinta iyo Abaabulka Dhismaha Wadada Ceerigaabo, waxaana Guddoomiye idiin noqon doonna Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda.

Waxaan idiin ku dardaarayaa dedaal iyo isku-duubni, waxaanan idiin rajaynayaa guul.”

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/harbi_31@hotmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com