Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Mudanayaal Ka Tirsan Barlamaanka Kenya Oo Soo Jeediyey In La Xidho Xeryaha Barakacayaasha Ee Waqooyi Bari Kenya Iyo Cabsi Soo Wajahday Somalida Ku Nool Dalkasi.

KH(maantasomaliland):-Guddiga baarlamaanka Kenya u qaabilsan xagga gaashaandhigga ayaa la filayaa inay ugu baaqaan dawladda Kenya in la xidho dhammaan xerooyinka qaxootiga ee Soomaalida ee ku yaal dalkaasi, sababa nabadgelyo awgood.

Mudane Ndun’u Gethengi oo guddoomiye u ah guddiga difaaca ee baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in uu hayo warar sheegaya in ‘ xerooyinka qaxootiga loo isticmaalo xarumo tababar’, taasi loo fasiran karo in uu ula jeedo inay yihiin xerooyinkaasi goobo ay ka soo ololaystaan miliishiyoyinka xagjirka ah ee halista ku ah nabadgelyada.

Xerooyinkaasi qaxootiga ee Kenya waxa ku jira in ka badan ilaa 500,000 oo qof oo qaxooti ah oo ka soo yaacay dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya, waxana ka mid ah xerada Dhadhaab oo lagu tilmaamo inay ku jiraan qaxootiga maanta ugu badan ee xero qudha la iskugu geeyey. Waxa kale oo la rumysan yahay in ilaa 30,000 oo kale oo qaxooti Soomaali ahi ay ku nool yihiin magaalaga Nairobi

Cabsidani xagga nabadgelyada ee mudanayaasha baarlamaankuna waxay ka danbaysey weerarkii lagu qaaday dhawaan rugtii ganacsiga ee Westgate ee magaalada Nairobi oo lagu diley dad ilaa 67 qof ah ilaa hadda inta la ogyahay, weerarkaasi oo uu sheegtay ururka al-Shabaab. Xukuumadda Kenya waxa kale oo ay sheegtay inay halkaasi ku dhinteen ilaa 5 qof oo ka mid ahaa kooxdii dableyda ee weerarkaasi qaadday, sagaal qof oo kalena ka xidhxidhay oo lagu tuhunsan yahay inay ku lug laheen falalkaas argagixisnnimo.

Mudane Gethenji waxa uu ku dooday in loo baahan yahay in haatan Kenya ay dib uga fikirto inay soo dhaweyn karayso amma sii hayn karayso qaxootiga Soomaalida ee xuduudda ka soo tallaabaya,sida ay baahisay Idaacada BBC-du.

Waxa soo kordhaysa cabsida iyo walaaca ay qabaan Soomaalida ku dhaqan dalka Kenya ee ku saabsan tallaabooyin aargudasho ah oo kaga yimaadda dhinaca ciidamada nabadgelyada amma dadweynaha Kenya, marka loo eego weerarrada kooxaha mitidka ah ee ka soo jeeda Soomaaliya ay ku qaadayaan dalalka Bariga Afrika..

Sannaddi hore waxa la joojiyey qorshe dawladda Kenya ay doonaysay inay magaalooyinka kaga saarto dhammaan qaxootiga iyo dadka magangelyo doonka ah ee Soomaalida, lana geeyo xerooyinka qaxootiga amma dib loogu celiyo Soomaaliya.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/harbi_31@hotmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com