Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka wasaarada warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta , Md C/laahi Maxamed Daahir (Cuskuse), ayaa maanta tababar uga furey in ka badan labaatan suxufi oo ka kala socdey heyadaha warbaahinta maxaliga ah hoteelka Imperial ee magaalada Hargeysa.

(MSL)Wasiirka wasaarada warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta , Md C/laahi Maxamed Daahir (Cuskuse), ayaa maanta tababar uga furey in ka badan labaatan suxufi oo ka kala socdey heyadaha warbaahinta maxaliga ah hoteelka Imperial ee magaalada Hargeysa.

Tababarkan oo socon doona muddo saddex cisho ah waxa lagu baranayaa mabaadiida anshaxa saxaafadeed, waxaana soo qabanqaabiyay ururka suxufiyiinta Solja.

Wasiirka wasaarada warfaafinta iyo dhaqanka oo ka hadlayay furitaankii tababarka waxa uu yidhi, “Saxaafada dhamaanteen waynu ka wada shaqeynaa mid imika soo galay iyo nin hore ugu jireyba, sida Yuusuf sheegayana baahideena waynu naqaanaa laakiin waxa dadku inooga baahan yahay iyo waxa dowladu inooga baahan tahay ma naqaano, inagu waxaynu u baahan nahay waynu naqaanaa oo ah inaynu saaxad xor ah helno, waxaynu doono qorno saaxad aynu kaligeen hadalno, saaxad aynu kaligeen waxqorno, saaxad aynu dookheena ciyaarno, laakiin diintu dabar ayay lee dahay oo dadka way xidhaa oo way qabataa way kala celisaa, xeerarku bini’aadamku dhigtaana dadka way kala celiyaan, dhaqankuna dadka wuu kala celiyaa intaasi ayaynu dhamaanteen jecelnahay in meel la dhigo oo inagu kaligeen iska ciyaarno oo inagoo maskaxdeenu sax iyo khalad siday doonto u fikireyso ileyn bini’aadamka kama waynine, waxaynu saamayn iyo nolol isku si ula wadaagnaa dadka aynu degaanka kula nool nahay. Taasi waxay keentaa in dadku Inooga baahdaan in la helo inankan ama inantan wax qoreysaa ama baahinaysaa dabar inoo dhaxeeya oo adigana ku ilaaliya iyagana kaa qabta, taasina waa muhiim”.

Wasiirka oo ka hadlaya muhimada tababarkani u leeyahay warbaahinta waxa uu yidhi, “Siminaarkiinan waxa uu muhiim u yahay bal inaad barataan waxaad samaynaysaan waxa uu sharcigu ka qabo, wax sahlan maaha ninkaa sharci yaqaanka ah ee casharada idin siinaya waxaan kula dardaarmayaa nimankani si ay wax ku fahmaan ugu sharax oo waxa ay qoraan tusaale ugu soo qaad kuwa qaldan kugu nicimaayan markaad hortooda uga sheegto laakiin markaad dabadooda ka sheegto way kugu nacayaan, berri ayaad websaydyada isku arki doontaa iyadoo lagugu caayayo ee iska dulqaado.

Mudane Cabdillaahi waxa uu sheegay in ay waqtigan soo kordheen shabakadaha wararka, waxaanu yidhi,“Mushkilada ugu wayni barigii hore waxay ahaan jirtay joornalka, maanta websaydyo ayaa soo baxay waxa lagu odhanayaa saddexdaa websayd nin qudhaa wada leh oo ninkaa qudhaa update- gareeya, saddex waji ayuu leeyahay mar wuu caytamayaa, mar diinta ayuu dadka ku waaninayaa, marna waa suxufi caadiya, saddexdaa websayd qof waliba kuu doonayo ayuu eegayaa, qof qudha ayaanu eegayaa mar uu akhlaaq xun yahay, mar uu fiican yahay, mar uu suxufi caadiya yahay, websaydyadii mushkilada inagaga soo baxday waa taa, iyagana dabarkooda waa la garanayaa oo waa kan xeerka ayay ka mid noqonayaan, waxaan leeyahay aynu is-cafino, wada shaqaysano, dadkana aynu u wada shaqeyno oo sida ay diinta, dhaqanka iyo xeerarku ogol yihiin u wada shaqeyno ”.

Gudoomiye xigeenka ururka saxafiyiinta SOLJA, Maxamed Cabdi Curad, ayaa isna ka sheegay in ay Solja diyaar u tahay in laga wada hawlgalo sidii looga wada shaqeyn lahaa xeerka saxaafada ee loo geyn lahaa golaha wakiilada , waxaanu uu yidhi,
“Waxaan halkan ka cadaynayaa wasiirkuna markhaati ka yahay iyo dhamantiinba ergadii nimankaasi ka soo qaadeen madaxtooyada ee ku saabsanayd xeerka mowqif gooniya oo aanu ka leenahay ma jiro, wax waxooda ka duwana ma jiro, diyaar ayaanu u nahay in ay suxufiyiintu qayb ka noqdaan xeerka sidii kii horeba lagu sameeyay gudida gacanta ku haysa iyo suxufiyiinta loo xulayna in ay wada shaqeeyaan wixii la soo hufay ee la soo haadiyay ay noqdaan wax caafimaad lagu geeyo golaha wakiilada, ma aha golaha xeerbaa yaala suxufiyiintu lagu cabsi galiyo qaar kale ay qayliyaan oo anaguna qaylino oo nidhaahno waa nala cabudhinayaa, xal ayaa loo baahan yahay xeerkii waataaa madasha la keenay anagu diyaar ayaanu u nahay waa idin garab taaganahay”.

Waxa kale oo ka Hadley guddoomiyaha SSJW Y uusuf Cabdi iyo xoghayaha Solja Maxamed Rashiid, oo isagu ka warramey ujeedada tababarka iyo inuu ku saabsan yahay mabaadida anshaxa saxaafadeed.

XUSEEN XARBI
MAANTA SOMALILAND.COM
TEL/4052413 TELSOM

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com