Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Munasibad Balaadhan oo Ay So Qaban Qaabiyeen Akaademiga Horumarka Iyo Waxbarashada beelwaynta gabooye iyo salaadiinta ayaa maanta ka Dhacday hotel Xaraf Ee magaalada Hargaysa taasi oo loo sameyay ciidama kala duwan ee ka soo jeede beesha kuwaas oo qaatay darajooyinka kala duwan ee ciidanka Somaliland

(MSL)Munasibad Balaadhan oo Ay So Qaban Qaabiyeen Akaademiga Horumarka Iyo Waxbarashada beelwaynta gabooye iyo salaadiinta ayaa maanta ka Dhacday hotel Xaraf Ee magaalada Hargaysa  taasi oo loo sameyay ciidama kala duwan ee ka soo jeede beesha kuwaas oo qaatay darajooyinka kala duwan ee ciidanka Somaliland

Munaasibada balaadhan oo si meqaan saraysa loo agaasimay ayaa maanta waxa lagu qabtay huteel xaraf ee magalada hargaysa.

 

Munaasibada ayaa waxaka soo qaybe galay wasiirka wasaarada gashaandhiga Somaliland,wasiir ku xigeenka wasaarada ganacsiga, xildhibaanAxmed Maxamed Diiriye Nacnac taliyaha ciidanka qaranka Somaliland,taliyaha ku xigeenka ciidanka asluubta,taliyaha ciidanka babada,taliyaha ciidanka laanta socdaalka iyo salaadiinta waxa garadka beel waynta gabooye iyo marti sharaf kale oo badan.

Ugu hore munaasibada ayaa waxa ka hadlay La Taliyaha madaxweynaha ee arrimaha Bulshada Barkhad Jaamac Xirsi oo faah faahin ka bixiyey ujeedad ay uqabteen waxaana uu yidhi??darajada ka sakow waxa cada kolay bulshadan dhibaato dhaqan ayaa ku dhacday oo cabashadooda la arkayey,waxa maanta noo sharaf ah hadaanu nahay beelwaynta gabooye intaan meel isugu nimaadno inaanu ka mahad celino darajooyinkii lagu taxay ciidamada ka soo jeeda beesha, shara ayey noo tahay tuusaale muuqdan waxa ay utahay beelaha Somaliland ku dhaqan,waanu ognahay xukuumada Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo inta ay joogtay isbadal badan ayaa dhacay lakiin maanta waxa gun noqon doono oo ay gunimadu raaci doontaa cid wixii loo qabtay sheegi wayda ee iska indho tirta,waxa maanta gob noqon doonta cid sida aanu u aqbalnay darajada u aqbasha.

La Taliyaha madaxweynaha ee arrimaha Bulshada Barkhad Jaamac Xirsi oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi raaciyey??waxa maanta noo sharaf ah oo si wanaagsan aan u amaanayo gaaro ahaan sida amniga qaranka uxilsaaran oo habeen iyo maalinba heegan u ah in ay dhulka ka dhiciyaan cadow kasta oo Somaliland ku soo duula ayaa maanta sharaf iyo maamuus leh.

Waxa isna sidoo kale madasha ka hadlay boqorka beelwaynta gabooye Boqor Ugaas Iimaan Axmed waxaana uu yidhi??xalfadan aanu maanta isugu nimi waa mahada naqa aanu uga mahad celin doono masuuliyiinta iska xilsaartay in si cadaalad ah ugu qaybiyaan ciidama kala duwan darajooyinka markaas ka boqor ahaan waxaan hanbalyo udirayaa cid kasta oo gacan ka gaysatay oo ugu horeeyo wasiirka gashaandhiga Somaliland.

Dhan kale waxa isna halkaasi ka hadlay xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac oo ka mid ah xildhibaanada aqalka wakiilada Somaliland hanabalyo balaadhan usoo jeediyey beelwaynta gabooye sida wanaagsan ee ay xukuumada ugu amaneen darajada kala duwan ee ciidamada lasiiyey xildhibaanka oo arimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi??ka xildhibaan ahaan aad iyo aad ayaan ugu mahad naqayaa beelwaynta gabooye munaasibada baladhan ee sida wanaagsan loo agaasimay ee usoo qaban qaabiyeen ciidamada kala duwan ee darajada lasiiyey kana soo jeeda beelwaynta gabooye waxaan anigu leeyaha waxaad samayseen waxa wanaagsan oo lagu farxo markaas aad ayaad muhada santiin.

Sidoo kalen waxa isna halkaasi ka hadlay suldaanka beesha gabooye suldaan Abu-Sufiyaan  Maxamed Muuse Nuur waxaana uu yidhi??kolay dad badan oo xukuumada dhaleceeya iyo dad badan oo yidhaa waxba lama qaban anigu waxaan leeyaha caqliga fayow ayaa waxa lagu arkaa ee xukuumada waxa way qabatay waxna way ka dhiman yihiin.

Gaba gabadii waxa soo afmeeray soona gunaanada munaasibada wasiirka wasaarada gashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami waxaana uu yidhi?? wasiirka ayaa isna dhankiisa aad ugu mahada celiyey salaadiinta gabooye iyo waxa garadka beesh ee sida uu sheegay wasiirku gartay in ay munaasibada usameeyaan ciidamada kala duwan ee qaatay darajada  ciidama.

Dhan kale waxa uu sheegay wasiirku in ay tahay waxa lagu farxo beelaha Somaliland kuwada nool oo dhan looga fadhiyo sida wanaagsan ee beesha gabooye usoo dhawayse ciidamadooda qaatay darajada ay beelaha kalen usoo dhaweeyaan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com