Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Bilayska oo gacanta ku dhigay Koox la sheegay inay Xalay Nin Shicib ah ku dileen Magaalada

Hargeysa(MSL)-Ciidamada Bilayska ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen Koox dhalinyaro ah oo xalay Nin shicib ah ku dilay Magaalada Hargeysa, gaar ahaan Xaafadda Sheedaha.

Tiro ka mid ah Kooxda Dishay Mustafe Cabdi Xaaxi, ayaa la sheegay inay xalayba Ciidanka amnigu gacanta ku dhigeen , ka dib markii Maydkiisa laga soo qaaday Goobta ay ku dileen oo Gabadh la socotay kaga soo qaylisay.

Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay Ciidanka amniga oo la xidhiidha Falkan iyo tiradda dadka la qab-qabtay, balse Saraakiisha amanka ayaa Gobanimonews u sheegay in ragaasi la qabtay qaarkood.

Marxuum Mustafe Cbadi Xaaxi, ayaa ka mid ahaa Ardaydii sanadkan ka dhamaysatay Jaamacadda Hargeysa, waxaana xalay markii la dilay Maydkiisa la keenay Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa

XUSEEN XARBI
MAANTA SOMALILAND.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com