Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (xaglo Toosiye) Oo Tababar u xidhay Adeegeyaasha Caafimaadka Gabiley

xaglotoosiye21(maantasomaliland):-Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (xaglo Toosiye) ayaa maanta magaalada Gebiley tababar ugu soo xidhay daryeelayaasha caafimaadka ee deegaankaasi, daryeelayaashaas oo bixin doona barnaamijka loo yaqaan “Marwo Caafimaad”.

Ka qayb galayaashii tababarkan ayaa noqon doona dufcadii labaad ee daryeelayaal caafimaad ah ee dhamaysta tababarka “Marwo caafimaad”
Badhasaabka Gobolka Gebiley iyo odayaasha deegaankaasi oo goobjoog ka ahaa xidhitaankii tababarkaasi ayaa uga mahadceliyey Wasiirka caafimaadka dedaalkiisa ku wajahan adeegyada caafimaad ee guud ahaan dalka gaar ahaana deegaanka Gebiley.

Dhanka kalena wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr saleebaan Ciise waxa uu isla maanta socdaal shaqo ku tegay deegaanka Geed-Ballaadh ee Gobolka Gebiley, oo ah tuuladii uu ku dhashay Wasiirka caafimaadku.

Dadweynaha deegaanka Geed-ballaadh ayaa si weyn u soo dhoweeyey wasiirka waxana uu dhagax dhigay xarun caafimaad oo halkaa laga dhisayo ayna fulinayso hay’adda IFAD.

Wasiirku waxa kale oo uu tababar u furay koox kale oo caafimaadka gobolkaasi ka hawlgasha.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/harbi_31@hotmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com