Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Golaha Wakiiladda Somaliland Oo Ansixiyay Xeerka Booliska

Golaha-wakiiladda(maantasomaliland):-Fadhigii maanta ee Golaha Wakiiladda oo uu shir gudoominayay Guddoomiyaha golahaas Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, ayaa mudanayaasha aqalkaasi waxay cod gacan taag ah ku meel mariyeen xeerka booliiska Somaliland iyo mooshin ku saabsan inay xildhibaanada goluhu mushaharadooda boqol dolar uga jaraan mashruuca wadada isku xidha Burco iyo Ceerigaabo.

Fadhigaasi oo ay ka soo xaadireen 49 Xildhibaan ayaa markii cod gacan loo qaadey ansixinta xeerkaasi Booliiska xeer NO: 63/2013, ayaa waxa ogalaaday 35 Xildhibaan, waxaa diiday sedex mudane, waxaana ka aamusay 10 Xildhibaan, gudoomiyuhuna ma codaynin, sidaas ayaanu ku ansaxay xeerka Booliska oo Golahaasi muddo horyaalay.

Geesta kale Xildhibaanada Golaha Wakiiladdu waxa ay cod gacan taag ah u qaadeen mooshin ay keeneen golaha xildhibaano golaha ka tirsan oo ku saabsanaa in ay mudanayaasha wakiiladdu ay musharkooda boqol doolar uga jiraan dhismaha wadada ceerigaabo iyo burco isku xidhi doonta,

Waxaana cod ku ogolaaday 33 Xildhibaan, waxa diiday 7 mudane, waxaana ka aamusay sedex mudane gudoomiyuhuna muu codayn.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/harbi_31@hotmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com