Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Musharaxa Jagada Madaxweynaha Ee Xisbiga UCID Ee Madaxweynaha Oo Soo Dhaweeyay Socdaalka Madaxweyne Siilaanyo Ee Turkiga

Jamaal-cali-xuseen(maantasomaliland):-Musharaxa jagada Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa soo dhaweeyay safarka Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed (Siilaanyo) iyo weftiga uu hogaaminaayaa ay ku joogaan dalka Turkiga.

Jamaal Cali Xuseen oo ku sugan wadanka Finland caasimadiisa Helsinki waxa uu sheegay inuu u arko socdaalka madaxweyne Siilaanyo ee Turkiga guul isla markaana uu wax weyn ku soo kordhin karo horumarinta dalka marka la eego qodobadii ay dawladda Turkigu ku balan-qaaday intii uu socday kulankii madaxweynaha Somaliland iyo Raysal wasaaraha Turkigu.

Isaga oo arrintaasi ka hadlaayana waxa uu yidhi “Anigoo ku hadlaya magaca xisbiga UCID iyo kayga shaqsiga ahba, waxaan taageerayaa safarkan Madaxweynuhu ku joogo Turkiga oo aan u arko in uu leeyahay muhiimad wax weyna ku soo kordhinaya Somaliland, Madaxweynaha waan ku hambalyeynaayaa”.

Sidoo kale Jamaal Xuseen, ayaa sheegay in aanay marnaba naqdiyayn qorshaha horumarinta dib u dhiska wadooyinka oo ay horeba u taageereen balse ay dhaliilsan yihiin qaabka loo waajahay isagoo faahfaahin ka bixinayayna waxaanu yidhi “Haddii aad maqasheen xisbiga UCID waxaa uu ka soo horjeeda dib u dhiska wadooyinka hore ayaanu ugu baaqney dib u dhiska jidadka, kamana soo horjeedno.”

Waxaanu intaasi raaciyay “waxaanu marar badan jeclayn fikirka ah in dib u dhiska wadooyinka ee waxtarka leh sida wadada Burco illaa Ceerigaabo oo uu baahan illaa laba Boqol oo milyan oo Dollar, waa mid culayskeeda leh oo uu baahan in dunida loo bandhigo iyo wadamada deeqaha innagga caawiya.”

“Waxaanu Madaxweynaha ku taageersan nahay inuu wadadaasi dhagax dhigay oo uu go’aansaday qorshaha horumarinta jidadka waanu taageersan nahay, waanan ku hambalyeynaynaa,”ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/harbi_31@hotmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com