Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wakaaladaha Wararku Maxay ka Qoreen Doonidii Ku Haligantay Xeebaha Talyaaniga?

Tahriibeyaashii(maantasomaliland):-Kooxaha gurmadka ayaa illaa hadda ka soo saaray 111 meyd burburka doontii ku degtay duleedka Sicily ee Talyaaniga taasi oo ay ku naf waayeen qiyaastii 300 oo qof.

Waxaana nolol lagu soo badbaadiyay khamiistii dad gaadhaya 155 qof. Hase yeeshee jawiga badda oo kacsanayd ayaa ka hor istaagtay shalay Jimcihii inay soo saaraan tiro badan oo ah meydadkii tahriibayaasha burburka doontaasi oo biyaha hoos jirta 47 mitir meel ah in ka yar hal kiiloomitir (0.6 mile) xeebta koonfurta Jasiiradda Lampedusa.

Dabaylo xoog leh iyo hirar kor jira ilaa hal mitir ayaa ka dhigay mid aan suurtogal ahayn in ay quuseyaashu si nabad ah banaanka u soo dhigaan meydad kale. Rakaabka doonta ayaa u badnaa Soomaali iyo Erateeriyaan, waxayna degtay saacadihii hore ee Khamiistii ka dib markii uu qabsaday dab ka kacay shidaal oo keenay inay argagixii muhaajiriintu dhinac isugu xoomaan, taasi oo keentay inay qalaabarogato oo qalibanto doontii.

“Waxa aan arkay tobanaan gacmood iyo madax oo ka soo jeeda badda, waxaanan maqlayay qeylada dadka gurmadka u baahnaa,” sidaasi waxa yidhi Vito Fiorino oo ah kalluumayste gacan ka geystay badbaadada 47 qof. Pope Fransis oo isagu indhaha dunida ku soo jeedinayay mashaqada muhaajirinta ayaa sheegay inay dhimashada Lampeduse hoosta ka xariiqday duni axmaq ah iyo niyadjabka saboolka. “ Maanta waa maalin oohineed,” ayuu yidhi.

Waxa hoos u sii dhacaysa rajada laga qabo in la helo dad kale oo badbaaday iyada oo ay dadka saaraa doontani ku dhawaayeen ilaa 500 oo tahriibe.

Talyaaniga ayaa shalay Jimcihii ka dhigay maalin loo baroordiiqayay dadkii ku haligmay masiibadaasi oo ka mid ah kuwii ugu daraa mashaqooyinka ka dhacay muhaajirinta Yurub. Waxaanay iskuullada Talyaanigu muddo daqiiqad ah u aamuseen xasuusta dadkii ku dhintay shilka doontaasi.

Jasiiradda Lampedusa kaalmaha shidaalka, hudheelada iyo dukaamada ayaa la xidhay, waxaana xalay fiidkii la sameeynayay isu soo bax. In ka badan 19,000 oo qof ayaa 25 kii sano ee la soo dhaafay dhintay iyaga oo isku dayay inay gaadhaan Talyaaniga, kana imanayay waqooyiga Afrika, waana xogta laga helay inta la ogyahay burburka doonyeed, waxaana suurogal ah inay jiraan tiro badan oo kale oo aan laga war helin burburkooda.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/harbi_31@hotmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com